LAASCAANOOD: CAQLIGU HA SHAQEEYO
Dagaalka waxa ugu hor dhinta runta. Dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood dhinac waliba ha sheegto guusha uu shaaganayo. Maleeshiyada degaanku waddo ay gooyeen ma jirto Goojacadena kamay qabsanin Ciidanka Qaranka. Waddadii way u furan tahay Goojecadena gacanta Ciidanka Qaranka waa sidiisii balse ma jiraan goobo cusub uu Ciidanka Qaranku kula wareegay dagaaladii dhacayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay. Markaa Yaa guulaystay yaa laga guulaystay?
Dagaalkan Laascaanood dabci ahaan iyo dhalan ahaanba waa dagaal sokeeye oo aan gebieahaanba wax guul ahi ku jirin. Inta uu doono ha socdo ma jirayo dhinac guulaysanaya iyo dhinac laga guulaysanayo midna. Ka xagan ku dhintaa waa adiga oo kaa dhimay ka xaga kale ku dhintaana waa adiga oo kugu dhimay. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh, burbur iyo barokac leh waa khasaare Somaliland uu ah
Sidaa daraadeed hadii caqligu shaqeeyo waa la joojin karaa dagaalka si khasaaraha labada dhinac ee Somaliland loo yareeyo.

Waxa Qoray:Ali Yussuf