Milatariga Mareykanka ayaa duqeymo ku qaaday bartilmaameedyo Iiraan ah ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku eedeeyay Iiraan “jabin doqonnimo ah” oo ay kula kacday xabbad-joojintii u dhexaysay, taas oo ka dambaysay weerar lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay Marinka Hormuz.

Ma jirin wax khasaare ah oo laga soo sheegay markii markabka ay haleeshay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ismiidaamisa ah, dhacdadaas oo keentay qorshe lagu daadgureynayo kumanaan badmaaxayaal ah oo ku xayirmay.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay jawaab celin hawshaas ah in maalintii Jimcaha inay weerareen goobihii lagu kaydinayay gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo weliba saldhigyada raadaarka ee xeebaha. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil.

Waxyar ka hor intaan lagu dhawaaqin duqeymaha, Trump ayaa yiri “waad arki doontaan” markii la weydiiyay in Mareykanku uu ka aarsan doono oo weeraryo Iiraan. Taliska Dhexe ee Mareykanka – ama Centcom – ayaa ku sifeeyay duqeymahaas “jawaab xooggan” oo laga bixiyay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Gardarrada aan sababta lahayn ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ay geysteen ciidamada Iiraan waxay si cad u jabisay xabbad-joojinta,” ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay. “Intaas waxaa sii dheer, hab-dhaqanka khatarta ah ee Iiraan wuxuu dhaawacay xorriyadda marinka badda xilli ganacsigu uu si sii kordhaysa u dhexmarayo marinka muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.”

IRGC ayaa bayaan ay soo saartay dambeeyay Jimcihii ku sheegtay: “Nidaamka Mareykanka ee heshiis-jebiyaha ah ayaa sidii caadada u ahaydba ku xad-gudbay ballamihii uu qaaday, wuxuuna duqeyn dhanka cirka ah ku qaaday xeebaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, isagoo qiil ka dhiganaya marmarsiiyo kala duwan oo ku saabsan markab ku xad-gudbay marin aan la oggolayn oo ku yaalla Marinka Hormuz.”

Waxay ku dartay: “Haddii gardarrada lagu soo celiyo, jawaabtayadu waxay noqon doontaa mid ka ballaadhan tan.”

IRGC waxay sidoo kale ku eedeysay “nidaamka Sahyuuniyadda” – oo loola jeedo Israa’iil – inay jabisay xabbad-joojinta Lubnaan.

Tani waxay ku soo aadday xilli Israa’iil iyo Lubnaan ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis ku meelgaadh ah oo ku saabsan qorshe nabadeed maalintii Jimcaha.

Dagaal xaddidan ayaa dhowaanahan ka sii socday koonfurta Lubnaan oo ay isku horfadhiyeen ciidamada Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee ay Iiraan taageerto, in kasta oo ay jirtay xabbad-joojin hore u jirtay.

Tehran waxay si wax ku ool ah u xidhay marinka ka dib markii weerarada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ay bilowdeen dhammaadkii bishii Febraayo.

Xidhtaanka marinka muhiimka ah ee shixnadaha saliidda iyo gaaska ayaa sababay kor u kac ku yimid qiimaha saliidda adduunka, waxayna xanibaad ku keentay shixnadaha agabka kale ee muhiimka ah sida bacriminta.

Bbc somali