Maraykanka oo Si Dadban u Aqoonsaday Somaliland
Dalka Maraykanka ayaa Somaliland si toos ah ugu Daray Miisaanida Wasaarada Difaaca Maraykanka Taas oo Ka Dhigan In Somaliland Laga Saaray Siyaasadii Soomaliya Mid ah.
Talaabadan Kadib Dalka Maraykanka Iyo Dalka Somaliland Waxay Si Toosa Iskaga Kaashan Doonaan Dhinacyada Amniga.
Sharciga Miisaaniyadda Wasaaradda Difaaca Mareykanka (DoD Appropriations Act) ee miisaaniyad Sanadeedka 2026 (FY2026) wuxuu xambaarsan yahay qodobo muhiim ah oo la xiriira somaliland iyo isbeddel istiraatiiji ah oo suurtagal ah oo ku yimaada siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Iskaashiga Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo helitaanka saldhig milatari oo dekedda Berbera ah.
Labada gole ee Congress-ka Mareykanka (Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka) ayaa ansixiyay nuqulladooda Sharciga Ogolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA) ee FY2026, halka Aqalka Wakiilladuna uu sidoo kale ansixiyay sharciga gaarka ah ee miisaaniyadda Wasaaradda Difaaca, kaas oo ah H.R. 4016.
Sharciga FY2026 wuxuu qeexayaa dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan ka-qaybgalka Mareykanka ee Geeska Afrika:
• Iskaashi Amni oo lala yeesho Somaliland
Sharcigu wuxuu xambaarsan yahay ereyo faraya laanta fulinta ee Mareykanka in ay raacdo iskaashi amni oo rasmi ah oo lala yeesho Somaliland, oo ah maamul si iskood ah ugu dhawaaqay madaxbannaani balse caalamka u aqoonsanyahay inuu ka tirsan yahay Soomaaliya. Arrintani waxay muujinaysaa isbeddel ka leexanaya siyaasaddii muddada dheer jirtay ee loo yaqaanay “Hal Soomaaliya (One Somalia Policy)”.
• Helitaanka Milatari iyo Daraasado Suurtagalnimo
Sharcigu wuxuu oggolaanayaa in la sameeyo daraasado lagu eegayo suurtagalnimada iskaashi qoto dheer iyo helitaan milatari oo Mareykanku ku yeesho dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera ee Somaliland. Tani waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka laguna xakameynayo saameynta quwadaha kale ee caalamka.
• Isbeddelka Maalgelinta Hawlgallada Nabadda
Codsiga miisaaniyadda madaxweynaha ee FY2026 wuxuu soo jeedinayaa in gabi ahaanba la joojiyo dhammaan dhaqaalaha lagu taageero hawlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan hawlgallada Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya.
Source= https://Congress.gov






