Mareykanka oo xayiraad hor leh saaray shakhsiyad – magacyada

Ciidanka Al-shabaab

Warbixin uu Mareykanka soo saaray ayaa lagu sheegay shan sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo loo magacaabay inay yihiin Argagixiso caalami ah.

Liiskan ayaa waxaa ka horreeyay liis kale oo ay waaxda lacagta ee dalka Maraykanka xafiiska u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye (OFAC) ku bartilmaameedsaday 26 qof iyo hay’ado, kuwaasoo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Waxaa ka mid ah 15 ‘fududeeye iyo shaqaale, 4 Dhuxul dhoofiye oo ka tirsan Al Shabaab, iyo 7 shirkadood oo xiriir la leh’. Warbixinta ayaa lagu yiri:

Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo saaxiibadayada kale ee Bariga Afrika si ay u carqaladeeyaan howlgallada al-Shabaab. Ka hortagga mid ka mid ah ururrada ugu khatarta badan ee xiriirka la leh al-Qaacida, kuwaas soo dilay kumannaan qof, oo ay ku jiraan dad Mareykan ag, Soomaali iyo guud ahaan bulshooyinka Bariga Afrika.”

Shanta nin ee la bartilmaameedsaday ayaa kala ah:

Maxamed Siidoow

Maxamed Siidow waa amiir maaliyadeed iyo taliye ka tirsan garabka hubaysan ee kooxda, Jabha.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Siidoow uu Al-shabaab u qaabilsan yahay qaadista canshuuraha “sharci darrada” ah ee deegaanka Caliyow Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay

Cali Yare

Cali Yare waa amiir dhanka maaliyadda ah oo dusha kala socda howlaha canshuuraha ee al-Shabaab ay ka fuliyaan tuulada Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Yare ayaa agaasimay oo sheegtay mas’uuliyadda weerar qaraxyo ah oo 14-kii November 2018 lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka tuulada Calagacad ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayuu yiri

Maxamed Daa’uud Gabaane

Warbixinta ayaa lagu tibaaxay in Maxamed Amiin Gabaane uu yahay Amiir ka tirsan kooxda Al-shabaab una qaabilsan dhanka maaliyadda.

“Maxamed Daa’uud Gabaane waa amiir dhanka maaliyadda u qaabilsan Al-shabaab, wuxuuna mas’uul ka yahay dhammaan howlgallada maaliyadda ee Al-Shabaab ee degmada Wanlaweyn iyo Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gabaane waxa uu sidoo kale la shaqeeyaa madaxa garabka sirdoonka kooxda, Amniyaadka, ee degmada Wanlaweyn.”

Suleymaan Cabdi Daa’uud

“Waa amiirka maaliyadda, iyo waliga (gudoomiyaha) Beled Amin. Daa’uud waxa uu sidoo kale kormeeraa howlgallada canshuuraha sharci darrada ah ee al-Shabaab ay ka fuliyaan Shabeellaha Hoose. Daa’uud waxa uu hore u soo noqday sarkaal ka tirsan Amniyaadka.”

Maxamed Cumar Maxamed

“Waa wali ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Soomaaliya, waxaana uu mas’uul ka ahaa weeraro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah. Maxamed ayaa horey u ahaa wali iyo taliyaha Jabha ee degmada Berdaale ee gobolka Baay.”

Maxaa xilligan ku soo beegay in Mareykanka uu saaro liiskan?

“Xilliyada la soo saarayo kuma xirna waqti go’an maaddaamaa dagaal furan lagula jiro Al-shabaab, waxay ku xiran tahay sida xogta loo heli karo iyo loo dadargeliyo xogta lagu kalsoon yahay ee la heli karo marka hadda waxay u muuqaataa in Mareykanka, Soomaaliya iyo waddamada dariska la ah ee bariga Afrika ay mas’uuliyad weyn iska saareen sidii loola dagaallami lahaa Al-shabaab,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed, taliye ku xiigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaliya ee NISA oo BBC la hadlay.

“Sidoo kale waxaa tallaabadan waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya keligeed aanan lagu lagu deynin dagaalka Al-shabaab.

Ciidanka dowladda

Marka la eego shakhsiyaadkan uu Mareykanka bartilmaameedsaday maxay muhiim u yihiin?

“Dadkan waxay dhibaato ku hayaan shacabka oo ay ka qaadaan canshuuro aysan awoodin, qofkii bixin waayana amaba aanan awoodin wuxuu Al-shabaab kala kulmaa dhibaatooyin iyo tacaddiyo marka waxaan is leeyahay tallaabadan waxay dhibaato ku tahay Al-shabaab, dowladdana faa’iido ayay u tahay,” ayu uku jawaabay Guuleed

Maddaamaa aysan dadka Mareykanka uu cunaqabataynta saaray ahayn dad Mareykanka dan ka leh ama waddankaba ka baxaya, sidee ayay cunaqabatayntan u saameynaysaa?

Cabdisalaan oo ka jawaabaya su’aashaa ayaa yiri: “Muhiimadda waa in ladaba socdo dadka argagixisada ah ama la shaqeeya, Soomaalidana waxay tirahdaa weysha qal dibiga ha ku quusqaatee marka farriinta ayaa ah mar haddiiba la dabo galo shaqsiyaadkan aan meelba u socon la daba galo kuwa safri karana waa la daba socdaa.”

Saameyn intee la’eg ayay tallaabadan ku yeelan kartaa Al-shabaab?

“Dagaalka tooska ee ay dowladda Xasan sheikh Maxamuud kula jirto Al-shabaab waxaan u maleynayaa inuu sannad gaaray, dowladuna marar badan ayay sheegtay inay akoono qabatay, inay dagaal militari ku jirto shabaab marka waxaa muuqanayso inay sii kordheyso kalsoonida iyo is aaminaadda dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhexeyso. Shabaabna waxay dhibaatooyin kala kulmi doonaan sidii ay u maareyn lahaayeen dhaqaalahooda.”