Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab shidaal sida oo marayay xeebaha Yemen, sida ay BBC u sheegeen ilo ammaanka Soomaaliya ka tirsan.

Ilaalada xeebaha Yemen ayaa hore u sheegay in markabka lagu magacaabo MT Eureka la afduubtay, isla markaana uu ku sii jeedo dhanka Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay markabka ku qabsadeen Gacanka Cadmeed, meel u dhow dekedda Qana.

Burcad-badeedda ayaa ka soo ambabaxay deegaan xeebeed fog oo u dhow magaalada xeebta ah ee Qandala, taas oo ku taalla Gacanka Cadmeed, sida ay BBC u sheegeen saddex sarkaal oo ka tirsan ammaanka Puntland.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee noocan ah muddo 10 maalmood gudahood, kadib markii burcad-badeed Soomaaliy ah ay 22-kii April afduubteen markab kale oo lagu magacaabo Honor 25.

Markabka Honor 25 waxa uu siday 18,500 foosto oo shidaal ah, kuwaas oo ku sii jeeday Muqdisho.

MT Eureka waxa uu watay calanka dalka Togo ee Galbeedka Afrika ka hor inta aan la afduubin, waxaana la sheegay in burcaddu ay markabka la wareegeen saacadda 5:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah (03:00 BST), sida uu sheegay sarkaal amni oo la hadlay BBC.

Hadda waxa uu ku socdaalaa Gacanka Cadmeed, inta u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ku xirmo xeebaha Soomaaliya