Markii uu hortiisa iyo hareerihiisa ku arkay wiilal dirays xidhan, oo ku hubaysan qoryo 1940nadii qarnigii tegay la sameeyay, iyo dabaabado dhawr ah oo ka soo doogay dagaalkii 1977 oo Siyaad Barre la ga dhaxlay, waxa galay tacajab. Waxa uu mararka qaar ku tallamay Ruush iyo Shiinaha koodii uu hor weerari lahaa! Sababtaas iyo sidaas darteed buu afka u taagi jiray oo af-taagiddiisu bilaa sabab ma ahayn. Sababtas buu xal kasta u laaday, maxaa yeelay xoog buu is ku haleeyay.
Intii hore oo dhan buuqa wuu is ka dhegaysanaayay, markii ay faraha ka baxday na, aadyar buu is ka yidhi – Laascaanood argagixiso ayaa joogta ee ha la soo qabqabto, kuwii caqligiisa ku shaqayn jiray na, waa run ee ha la soo qabqabto ayay ka daba yidhaahdeen. Waxa ay intaas ku dareen, dhulku ma guuro ee dadka ayaa guura, Dhulbahante na waa kibreen. Maalintii koowaad ee ay qaraxday, ayay dumarkii Burco iyo Hargeysa joogay yidhaahdeen ciidanka laxoox iyo sabaayad la soo gaadha. Markaas bay reer miyigii oo aanay abidkood wax u qaban ku yidhaahdeen adhigiina soo ururiya oo ku soo dhakhsada.
Geesta kale, qof kasta oo yidhaahda waar meesha argagixiso ma joogto, xabbadna xal lagaga keeni maayo ee ka daaya na, waxa ay ku yidhaahdeen cadowga ayuu la socdaa. Marka ay waxaas shubayaan, indhaha iyo dhegaha ba way furaysteen, heeso wada sillan oo wada cod xun, oo iyaka oo keliyi ay maqlaan baana hoos u ga daaran. Heesta hore idaacadda Muuse ayay ka soo gashaa, waxayna tidhaahda dila argagixisada. Heesta labaad na, waa Tolaay yaa Isaaqaay, iyo Daarood baa inagu soo socda . Ilaa shalay heesihii mid dhextaal ah baa la gu soo daray, taas oo odhanaysa Jigjiga iyo Itoobiya ayaa duulaan inagu ah.
Wax ma garato taladeeda intaas iyo inihii ka horeeyay baa la gu gartaa. Allah maxaa talo xumo iyo nacasnimo socota. Laascaanod dagaalka uu Muuse ka bilaabay, isagu ma joojin karo ee iga gunta. Sidoo kale, Dagaalka Laascaanood natiijadiisu waxa ay soo saaraysaa wax kasta oo Reer-Somaliland ay doonaayeen caksigeeda. Sii socoshada dirirtaasi, marka khasaaraha nafeed iyo burburka aynu wada ognahay gees la is ka dhigo, dhaqaalaha ayay taaban oo mushaharka iskaba yar ee ciidanka oo dhawr-dhawr bilood la is gaadhsiiyo ayaa iman waana hubaal, taas oo iyaduna amniga guud taaban doonta. Kulaylka Laascaanood ka holcaaya, dhimbiilihiisu si toos ah iyo si dadban ba koonaha kale ayay u gaadhayaan, guri kasta na waa la ga dareemayaa, waana la ga dareemay ba already. Wax garadku ha kaco, xabbadaas joojinteeda na ha la ga hawl galo.
– dab waxa ku guban kara,
Inuu daaro mooyee,
Nimaan xeel ku damin karrin! Hadraawi – waar maxaa rag ka tegay.