Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo “Jabbar 150,” taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca “EDEX,” oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar.

Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah.

Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo.

“Jabbar 150” waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin “Jabbar 200” iyo “Jabbar 250.”

Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa’iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan.

Bbcsomali