
Farxaan Adan Haybe oo ka tirsnaa madaxda xisbiga Kulmiye xilal dhowr ahna ka soo qabtay xukumadii Siilaanyo iyo tii Muusa Bìixi waxa uu soo qabtay xilka wasiir iyo osaga oo noqday gudoomiyahii hay’ada shaqaalaha waxa uu hada si rasmi ah uga baxay xisbigaasi Kulmiye hadaba qoraal uu baahiyay Farxaan Adan Haybe wax uu u dhignaa sidan hoos ku xusan
” Waxaan maanta halkan ku cadaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xubintii Guddida Fulinta iyo xubinimadii Xisbi Siyaasadeedka Kulmiye. Ka tegistayda Xisbiga Kulmiye oo muddo dheer aan ka mid ahaa, dadaal badana ku bixiyay, waxuu la xidhiidhaa marxalada imika Xisbigu ku jiro iyo dabcan, isdiidooyinka guddaha Xisbiga Kulmiye ka dhex jira xilligan, kuwaas oo muddo 4 bilood ku-siman ay hogaanka iyo xubnaha Guddida Fulinta oo aan xubin ka ahaa ay dadaal ugu jireen in xal loo helo, si hore looga socdo, suurtagalna u noqoto in la sameeyo is-qiimayn la xidhiidha guuldaradii Xisbiga ka soo gaadhay doorashada madaxtinimada dalka si dib u eegis iyo dibu-habayn Xisbiga gudihiisa loogu sameeyo iyo hirgelinta qorshaha qabashada shirwaynihii Xisbiga kaasoo 3 bilood ka hor ay ku dhawaaqeen hogaanka iyo xubnaha Guddida Fulinta oo isku dhan. Nasiib darro, ma jirto, mana ay dhicin in hal talaabo hore loo qaaday, dhamaana hawlahaasi halkii 3 bilood ka hor ay taagnaayeen ayay weli taagan yihiin oo ma jiraan wax ka fulay. Sababo jira awgeedna, iima muuqato xal u helista arrimahaasi oo xubnaha hogaanku masuuliyadda koowaad leeyihiin.
Waraysi aan arintaas ku faahfaahinayo, waan idinla wadaagi doonaa waqti aan fogayn oo ku haboon, Insha Allah.
Tu’san






