Hargeysa – Xubno ka tirsan masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dawladda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay munaasibad casho-sharaf ah oo lagu maamuusay qaar ka mid ah qurbejoogta Somaliland ee ka yimid dalalka Yurub, taas oo lagu xoojiyey xidhiidhka u dhexeeya qurbejoogta iyo hay’adaha dawladda.

Masuuliyiinta soo qabanqaabiyey munaasibadda ayaa kala ahaa Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Shabac Cabdi Maxamed, iyo Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka Somaliland, Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme.

Kulankaas waxaa ka qaybgalay oo kale aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan qurbejoogta Somaliland ee dalalka Yurub, iyadoo diiradda lagu saaray adkaynta wada shaqaynta, midnimada iyo doorka qurbejoogtu ku leeyihiin horumarka iyo dhismaha qaranka.

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Shabac Cabdi Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in socdaallo shaqo oo ay dhawaan ku tageen dalal ka tirsan Yurub ay kaga qaybgaleen munaasibadihii loo dabaaldegayey xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May 2026, halkaas oo ay kula kulmeen jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan waddamadaas.

Mas’uuliyiintaas ayaa si weyn u ammaanay isku-duubnida, wadajirka iyo sida hufan ee jaaliyaduhu u soo agaasimeen munaasibadaha xuska 18-ka May, iyagoo tilmaamay in arrintaasi ay muujinayso dareenka waddaniyadeed iyo taageerada joogtada ah ee qurbejoogtu u hayaan dalkooda.

Masuuliyiintu waxay ugu baaqeen jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka Yurub inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo wada shaqayntooda, isla markaana ay sii laba jibbaaraan kaalinta ay ka qaataan horumarka, maalgashiga iyo taageerada ay u fidiyaan dalkooda.

Waxa kale oo ay madasha ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ay xukuumaddu ka waddo dhinacyada kala duwan iyo muhiimadda ay leedahay in qurbejoogtu sii xoojiso xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha qaranka.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah qurbejoogtii ka soo qaybgashay munaasibadda ayaa halkaas ka hadlay, iyagoo uga mahadceliyey masuuliyiinta dawladda qabanqaabada casho-sharafta iyo sida ay u muujiyeen qiimaha ay xukuumaddu siinayso qurbejoogta Somaliland, Waxay sidoo kale caddeeyeen inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan dalkooda, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan dadaallada lagu horumarinayo Somaliland.