“Waxa aannu soo dhoweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay” WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay mowqifkiisa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Waxana sidaas ay ku sheegeen warsaxaafadeed u qornaa sidan:-
“Sida shacabka reer Somaliland ka war-qabaan waxaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey Xukuumadda Muuse Biixi ka soo baxayey heshiisyo is khilaafsan, iyada oo ilaa hadda aan Golayaasha Qaranka iyo xisbiyada mucaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxba kala socon xaqiiqda arrimahan taagan.

Xisbiga WADDANI waxa uu mar kasta ilaalinayaa, una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu soo dhoweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay, isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan.

Xisbiga WADDANI waxa uu ka digayaa wax kasta oo xadgudub ku ah karaamada ummadnimo iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed, waxa Xisbigu sugayaa xogta rasmiga ah ee heshiiyada Madaxweynuhu ku saxeexay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.
Sida laga warqabo waxa Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa khilaafiyo siyaasi ah oo dhammaan waayey, isla markaana ay faraheeda ka baxeen qaybo dhan oo ka mida waddankii mideysnaa, iyada oo Madaxwaynaha hadda talada hayaana uu dhammaaday muddo-xileedkiisii sharciga ahaa isaga oo aan haysan taageero shacab iyo sharciyad uu ku galo heshiisyo taabanaya masiirka umada Somaliland.

Sidaa awgeed, sida shuruucda dalka u yaallaan dhigayaan, waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo wixii heshiiyo caalami ah ee uu soo galo si Goluhu u darso nuxurka iyo faaโ€™iidada ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”