Tan iyo intii ay dawadda Somaliland aqoonsiga ka heshay dalka Israa’iil waxa soo kordhaaya rajada ay dalal kalena ku aqoonsan doonaan Somaliland taasi oo walked ku riday wadamada Somaliland la cadawga ah ee ay xulafadda yihiih dalka Masar sida Eritrea, Djibouti iyo dhowr dal Carbeed oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Sucuudigu inkasta oo ay jiraan dalal badan oo gobolka ah oo iyagu taageersan in ay Somaliland ay aqoonsi buuxda ay hesho.
Xiligani oo uu madaxweynaha Somaliland ku suganyahay dalka Maraykanka laguna wado in uu maanta ama bari la kulmo madaxweynaha dalka Maraykanka mudane Donald Trump ayaanay ilaa hada wax war ahi ka soo bixin xaga Maraykanka iyo Somaliland toona.
Hase ahaatee warar ka soo baxaaya dalaka jaarka ayaa sheegaaya in dhamaan dalalka gobolka iyo ka baxsanba lagu war galiyay in dhawaan la aqoonsan doono.
Ilaa hada ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dalalka jaarka marka laga reebo madaxweynaha Eritrea oo isagu sheegay in uu ka soo hor jeedo aqoonsiga uu Maraykanku uu siinaayo Somaliland ninkani oo kaligii talis ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba baabiiyay xukunkana ku haysta xoog mudo 34 sano ah isla markaana aan saamayn badan ku lahayn gobolka gerska Africa waxana uu la mawqif yahay dalka Masar oo adeegsata.
Dhanka kalena wasiirka maaliyada ee dalka Djibouti ayaa doraad hadal aan dawladiisa looga baran jeediyay isga oo sheegay in ay wada tashi ugu baaqayàan dadkiisa isaga oo sheegay in gobolka uu ku soo waajahantay isbedel dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Sida ay doontaba ha noqotee Somaliland oo aqoonsi buuxa ka hesha wadamada caalmka waxa ay faa’iido ugu jirtaa dalaka caalmka iyo deriskaba waxana haboon in dalka Maraynkanu ay aqoonsadaan Somaliland taasi oo farxad galin doonta dad kor u dhaafaaya Lix milyan oo qof oo noqon doona dal xulafo la ah Maraykanka





