Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay bishii Maarso ee sanadkan, ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada ka mid tahay.
Hadalkan ayaa ahaa mid la hadal hayay.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Israa’iil, ayaa wareysi gaar ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa’iil.
“Hadda ma aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.
Markii la weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.
Waxaa arrntan sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la yeelatay.
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi “labada dal” si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen ‘midba midka kale’, taas oo u oggolaanaysa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari ah.
Markii la weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.





