Labadii cisho ee ina soo dhaafay waxa ay Xukuumadda taagta daran ee Xasan Sheekh ay ay warbaahinta ka hawl gasha magaalada Muqdusho u adeegsanayeen sidii warar been ah looga faafin lahaa Somaliland, waxana arintani lacag aad u badan ku bixinaaya oo arinkaasi u xil saaran wasiirka arimaha gudaha Mr Fiqi, waxana suurto gali wayday in ay adeegsadaan warbaahinta Somaliland ee mucaaridka ah kuwaasi oo ku gacan saydhay in dalkooda ay wax xun oo been ah ka sheegaan taasina waxa ay sababtay in ay warbaahinta Muqdisho ay iska dhex dabaashaan warar been abuur ah.
Hadababa maxaa ka jira in uu mudaharaad ka dhacay magaalada Burco?
Angaga oo xiligani ku sugan magaalada Burco hadaanu nahay shabakada Qarannews, waxa aanu waxba kama jiraan ku sheegaynaa wararka in mudaharaad lagaga soo jeedo Xukuumadda Somaliland uu ka dhacay xalay. Shalay, Saaka sida ay baahinayaan warbaahinta Somali ay yihiin been cad oo waxba ka jiraan ah.
Sida ay baahisay warbaahinda Banaadir iyo ta kale eebShabeele ee Muqdisho ka hawl galaa waa muuqaal been ah oo ahaa mudharaad mar hore ka dhacay magaaloiyinka Boorame iyo Lughaya kuwaasi oo la isu gee geeyay. Si dadka loo kiciyo isla markaasna veesha caalmka loo tuso in magaaladii labaad ee Somaliland ugu weynayd ay diidantahay heshiiska ay wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.
Bal u fiirso muuqaaladani BANAADIR, wax ay tidhi mudaharaad ka dhacay magaalada Burco saaka
Sidoo kale warbaahinta Shabeele ayaa baahisay isla muuqaalkaasi isu keen keenka ah waxayna leeyhiin xalay ayaa mudaraad ka socdaa magaalada Burco. Bal iyagana eeg waa isla muuqaalkii isu gays gayska ahaa ee mudaharaad mar hor ka dhacay Awdal oo ay dadka iyo maamulka gobolka Awdal ka soo hor jeesteen dhalinyarada xiligaasi.
.
Hadaba waa maxay sababta ay cadawgu xooga u saarayaan magaalada Burco?
Magaalada Burco waa xarun ay aad ugu xooganyihiin xisbiyada mucaaridka Somaliland waxana soo badanaaya maalin walba dadka taageerida u muujinaaya xisbiya mucaaridka. Waxana ay cadawgu doonayaan in ay dadka iyo dawlada ka shaqeeyaan sidii la isaga hor keeni lahaa taasi oo aan sinaba u suurto galaynin.
Dadka reer Burco waa dad muwaadiniin ah oo aan sinaba loo dhex gali karin oo aan loo adeegsan karin sheekooyin noocani oo kale ah.
Burco waa goobtii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland 1991kii waana xarunta ah hooyada Somaliland yaanay reer Muqdisho wakhti badan iskaga lumin.
Qaran news
Burco
Somaliland