Maxaa ka jira inuu soo Uro Maqaarka Haweenka is caddeeya?

Haweeneey kareem la isku caddeeya marsaneyso

Waxaa maalmihii la soo dhaafay laga hadal hayay baraha bulshada Soomaalida, in mid ka mid ah culimada Soomaalida uu sheegay “in rag badan ay ka soo cawdeen xaasaskooda oo isticmaala kareemada ka isku caddeeyo”.

Sheekha ayaa sheegay “in rag badan ay ka soo dacwoodeen xaasaskooda, oo maqaarka jirkoodu uu soo uro, sababo la xiriira kareemada la isku caddeeyo, taasna ay sababto furriin ka dhex dhaca qoysaska”.

Sheekada ku saabsan kareemada la isku caddeeyo ma aha mid ku cusub gudaha bulshada Soomaalida.

Gabdhaha qaarkood ayaa ogaal iyo ogaal la’aanba u isticmaala kareemadan la isku caddeeyo, oo si fudud looga heli karo dukaamada iibiya waxyaabaha la isku qurxiyo.

Maqaarka

Dhibaatada kareemada la isku caddeeyo

Baaritaan ay sanadkii 2021 BBC-du sameysay ayaa lagu ogaaday in dukaamada qaar ee dalka UK lagu iibiyo daawooyinka loogu talo galay in dhakhtar keliya uu dadka u qoro.

Kareemada waxaa ku jirta maaddada awoodda badan ee steroid – clobetasol propionate – oo caadi ahaan muddo gaaban lagu daweeyo xanuunnada maqaarka. Waaxda caafimaadka Ingiriiska ee NHS ayaa ku talineysa in dadku ay dawadaas isticmaali karaan ugu badnaan hal toddobaad.

Dhibaatada ka dhalata kareemka ayaa ah inuu caddeynayo maqaarka, sidaas darteed dadka qaar ayaa isticmaala iyaga oo u heysta inay yihiin waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dhakhaatiirta xanuunnada maqaarka ayaa ka digay in muddo dheer oo la isticmaalo kareemadaas ay ka dhalan karaan dhibaatooyin maqaarka ah.

Grazia

Waxaa ka mid ah:

•Maqaarka oo khafiif noqda – maqaarka ayaa noqda sida warqad khafiif ah

•Dhibaato dhanka aragga ah – khatar sare oo xaaladaha cataracts iyo glaucoma ah

•Maqaarka oo u nuglaada dhaawac

•Midabka maqaarka oo baro baro yeesha

•Dildillaac maqaarka ah

Waaxda British Skin Foundation ayaa sheegtay in kareemadan intooda badan ay ku jiraan maaddooyin kiimiko leh oo ay ka mid yihiin hydroquinone iyo mercury.

Waxay kula talineysaa dadka inay dhaqtar la hadlaan haddii ay la soo deristo dhibaato dhanka maqaarka ah.

Waxay xaruntu sheegtay in kareemadan aan intooda badan lagu muujin maaddooyinka dhibaatada sababa ee lagu daray.

Maaddada hydroquinone, ayay waaxdu ku sheegtay inay awood u leedahay inay fiiqdo dahaarka kore ee maqaarka, taasoo qofka halis u gelin karto inuu ku dhaco kansarka maqaarka, iyo sidoo kale beerka iyo kelyaha oo howlgab noqda. Maaddada mercury ayaa iyadana sababi karta dhibaatooyin kuwaas la mid ah oo dhimasho keeni kara.

Haddaba maxaa ka jira inuu soo uro maqaarka qofka marsada kareemadan?

Maqaarka

Dr Yaasiin Xuseen Cismaan oo ku takhasusay xanuunnada maqaarka, kana howlgala isbitaalka Alkhaliil ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kareemada la isku caddeeyo ay dhibaatooyin baaxad leh u geystaan maqaarka.

“Maqaarku wuxuu leeyahay saddex lakab oo kala faracma, kareemada waxay fiiqaan lakabka sare ee maqaarka, taasna waxay keentaa in maqaarka gudaha, oo aan loogu talogalin in bannaanka la keeno, uu soo shiiro,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka is caddeeya ay intooda badan isticmaalaan waxyaabaha la isku carfiyo, maaddaama sida uu sheegay uu maqaarku soo shiirayo.

“Waxaa kale oo jirta in gabdhaha is caddeeya marka ay noo yimaadaan ay noo sheegaan inaysan dibadda u soo bixi karin oo qorraxdu ay gubeyso, in aysan dagaal gali karin oo ay u baqayaan in jirkooda dhaawac la gaarsiiyo.”

Wuxuu intaas ku daray in dadka is caddeeya ay halis u yihiin xasaasiyad, maaddaama ay isticmaalaan kareemooyin la isku dar daray.