
Maxaa ka socda Geerisa, Somaliland?
Xukuumadda ayaa ku guulaysatay inay xabbad-joojin dhex dhigto labada beelood ee xeebta ku dagaalamayay, Gadabuursi iyo Ciise.
Dagaalku wuxuu ahaa mid la soo waariday oo ah dagaal wakaaladeed oo wakhti dheer jiray, laakiin waxa iskaga hor yimid dad deegaan ahaan is xiga.
Xabbad-joojinta ka dib, dawladdu waxay ka hawlgashay sidii loo qaban lahaa shirweyne oo gogol nabadeed ah, kaas oo lagu soo afjaro xaaladda coladeed, laguna kala saxeexdo heshiis nabadeed oo qoraal ah iyadoo dawladdu goob joog tahay.
G. Guntigaab
Beesha Ciise way diiday gogosha, halka Gadabuursi ay diyaar u tahay labada kay u dhacdaba colaad sii socota iyo nabad la gaadho. Wax hadal ah oo ay ku darsadeen arrintaas ma jirin.
Beesha Ciise waxay ku andacootay in aanay nabad dhici doonin ilaa Somaliland iyo beesha Isaaq oo ay wax dagaal ah kala dhaxayn ay wada hadlaan.
Waxay yidhaahdeen: “Ma joojinayno dagaalka Gadabuursi aan kula jirno ilaa aan Somaliland wada hadalno.”
Waxay ku doodeen in dagaalku u dhexeeyo Ciise iyo Somaliland, oo ay Isaaq ugu yeedheen dhinaca kale. Si ay uga hor tagaan gogosha nabadeed ee loo asteeyay Geerisa, habeenkii 22-ka July waxay gubeen hanti Gadabuursi leedahay oo ku taalla Geerisa (guryo iyo meherado).
May doonaan oo kuma duulin xarumaha Somaliland, mana raadsan Isaaq waxay weerareen Gadabuursi, sidaas darteed nabad Gadabuursi iyo Ciise dhex marta ma jiri karto ilaa Somaliland iyo Isaaq (oo aan waxba naga dhexayn) marka hore wada hadalno.
Xukuumadda Somaliland ayaa isku dayday inay gacanta ku soo dhigto dadkii lagu eedeeyay inay gubeen hantida Geerisa.
Arrintaas waxaa ka hor yimid dad mudaharaadayay, kuwaas oo markii dambe hub qaatay. Iska hor imaad ayaa dhacay, waxaana dhaawacmay qaar ka mid ah dadkii rabshadaha waday.
Maanta, 24-ka July, jabhado hubaysan ayaa weerar ku qaaday ciidanka qaranka Somaliland, waxaana dhacay iska hor imaad ka dhacay deegaannadaas.
Xaqiiqda biyo kama dhibcaan ah ayaa ah in dagaalkani aanu ahayn mid qabiil ama deegaan oo keliya, balse uu yahay mid siyaasadeed oo ka baxsan xuduudaha deegaanka, isla markaana ah dagaal la soo abaabulay.
Ilaa xurgufta siyaasadeed marka hore la dhammeeyo oo dhinacyadu ku kala hadhaan, way adkaan doontaa in nabad waarta ay ka dhacdo deegaanka.





