Maxaa Kaaga Baxay?

Weli ma is weydiisay sirta ku jirta dàda ay ku xijaabteen Nabigeenii suubanaa iyo asxaabtiisii wacnayd ee uga dambaysay maamulka Muslimiinta? Rasuulkeenii, Abii Bakar, Cumar Binu Khadaab iyo Sayid Cali dhammaantood waxay ku xijaabteen markay dàdoodii gaadhay 63-jir. Maxay tahay sirta ku jirtaa halkaas?
Haddii uu qofku gaadho 63-jir, wixii intaas ka dambeeya miyaanu is dhimayn caafimaadkii iyo xooggiisii, xusuustiisii, fahankii, firfircoonidii iyo fariidnimadiisii. Intaas marka la waayo, soo qofkii halyayga ahaan jiray kuma sii siqayo uun asaasaq iyo sida loo badan yahay iyo dadka kale aanu taagaw caaro dheerayn.
Laakiin Cusmaan Binu Cafaan wuxuu la wareegay maamulkii Muslimiinta isaga oo ay dàdiisu gaadhay 70-jir. Xilka waxa uu sii hayay 12 sanadood. Dawladdiina way ku dul duntay, markuu maamulkii ku taxay xidid iyo xigaalkiisii. Ka dibna markuu gaadhay 82-jir ayaa lagu qamaamay oo lagu dhagaroobay.
Haddaba halkaas maxaa kaaga baxay? Bal kaalay xaggeena iyo Somaliland.
Ina Rayaale markuu xukunka qabtay 2002-dii, waxay dàdiisu ahayd 50-jir. Markuu ka degay xukunkana 2010-kii waxa uu ahaa 58-jir.
Tuur markuu xkunka qabtay 1992-kii waxay dàdiisu ahayd 61-jir. Markuu ka degayna da’diisu waxay ahayd 63-jir.
Egal markuu xukunka qabtay 1993-kii, dàdiisu waxay gaadhay 65-jir. Markuu ka xijaabtayna waxay dàdiisu gaadhay 74-jir.
Muuse markuu xukunka qabtay 2017-kii, waxay dàdiisu ahayd 69-jir. Immikana waa 75-jir.
Silaanyo markuu xukunka qabtay 2010-kii waxa uu ahaa 72-jir. Waxaanu ka degay markay dàdiisu gaadhay 79-jir.
Maxaa kaaga baxay ??????????
Waxaa Qoray Max’ed Cabdi Daa’uud