Maxaa laga yaqaan Hoggaamiyaha sare ee ay ciidanka Mareykanku ku dileen Buuraleyda Miskeed?

Seal Team

Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, isaga iyo toban ka mid ah kooxda.

Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn kaddib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan.

Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ciidamo gaar ah waxa ay Arbacadii weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.

Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Bilal al-Sudani oo xubin sare ka ahaa Daacishta Soomaaliya iyo dagaalyahanno la socday.

Ciidamada ayaa amar lagu siiyay inay noolal ku soo qabtaan Bilaal, balse iska caabin ay sameeyeen dagaalyahannadii uu watay ayaa dhalisay inuu halkaa ku dhinto.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in go’aanka uu Maraykanka ciidan dhulka ah ugu diray buurahaas ay muujinayso muhiimadda ay u lahayd inuu noolal ku qabto Bilal al-Sudaani.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa al-Sudani ku tilmaantay inuu Daacish u qaabilsanaa ballaarinta hawlgalladeeda Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya si weyn uga taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii la soo dhaafay laga saaray deegaanno badan.

Waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa sanadkii 2012 cunaqabateyn saartay al-Sudani oo markaa loo haystay inuu dagaalyahannada ajaaniibta ah geeyo xarumo tababar oo uu leeyahay ururka Al-Shabab. Waxa uu markii dambe ku biiray Daacish.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay weerarro badan oo ay qaadeen kooxaha jihaad doonka ah

“Daacish-ta Soomaaliya waxay ka hawl galaan oo ay saldhigyo ku leeyihiin buuraha Calmis ee ku yaalla Waqooyi bari ee Soomaaliya,  halkaas oo u ah istaraatiji muhiim ah sababtoo ah waxay isku xirtaa Gacanka Cadan, Afghanistan iyo Afrika,” ayuu yiri Kornel C/waaxid Maxamuud Xasan oo ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Saameyn noocee ah ayay Daacish ku yeelan kartaa dilka Bilaal Al-Sudani?

“Bilaal waxaa uu ahaa xubin muhiin ah oo firfircoon buu ahaa, saameyna dilkiisa wey ku yeelaneysaa kooxda sababtoo ah wuxuu ahaa ninka dhaqaalaha u qaabilsan daacish-ta Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika marka maaddaamaa la dilay, kooxda wiiqitaan badan baa ku imaanaya waana guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Kornel C/waaxid Maxamuud Xasan oo BBC-da u warramay.

Al-Sudani, oo ay sanado badan isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay in lagu maalgeliyo howlgallada IS ee Afrika iyo sidoo kale ISIS-Ka eka howlgala Afgaanistaan, ayuu Austin yiri.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannadkii hore ku eedeysay Al-Sudani inuu si dhow ula shaqeeyay sarkaal kale oo ka tirsan IS, oo la yirahdo Cabdalla Xuseen Abadigga, kaasoo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro.