BIXIN DUULE

Waa tuulo ku taal Gubanka buuraha Golis, galbeedna kaga qumman kana fogayn tuulada Geel-loo-kor ee laamida Berbera-Sheekh saaran. Ka hor intii aan jidka laamida ah la dhisin, bilowgii siddeetanaadkii, waxa Tuulada Bixin duule iyo tuulada kale ee “Minja-caseeye” ee u dhow tan hore dhex mari jiray jidkii hore ee Hudisa-Berbera.

Erayga “bixin” waxa ay isku ulajeeddo yihiin erayga qalaad ee “spring” oo labaduba tilmaamayaan “biyo durdur ah oo doox, ama godan ama buur gunteed kasoo burqanaya.” Haddaba magaca goobtani, “Bixin duule”, waxa laga garan karaa in socodka iyo burqashada biyaha goobtu aad u xooganaayeen, sidii ay ‘duulayaan’ oo kale.

Gu’gii 1895 (127 hadda laga joogo) waxa goobtan booqday socoto Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa nin la odhan jiray E. Lort Phillips. Waxana uu ka bixiyay muuqaalka quruxda badan:

“Bihen is another oasis, caused by a strong spring of delicious water that comes bubbling out of the rock at the root of a large fig-tree. After forming two large pools, which, by the way, are full of small turtles, it loses itself in a dense mass of tall rushes, a favourite resort of lions a few years back. The bright green of the close-cropped sward and of the tall rushes is very grateful to the eye after the arid country through which the road from Berbera passes, so we decided to stay here for a few days.”

“Socdaalkayagii waxa noo xigay Bixin oo ah kob biyeysan, ahna durdur xooggan oo biyo macaan, biyuhuna ka soo burqanayaan dhagax barkan xididdada geed weyn oo daray ah. Ka dib biyaha ayaa sameeyay laba gal oo waaweyn, oo uu diinceelaad tif ka yahay, waxana ay hore biyuhu ugu dhex lumaan cawsbiyood jiq ah sida Alaalecad, qundho iyo tagoogowareen – kuwaas oo dhowr gu’ ka hor libaaxyada u ahayd gabbaad ay xiiseeyaan. Hirka cagaaran ee cawsbiyoodka dhaadheer ee la moodo in la isku sar jary waxa ay yihiin qaar ishu mahadinayso, weliba ka dib socdaal dhul qarfo ah oo aannu kaga nimid dhinaca Berbera. Sidaas daraaddeed, waxa aannu go’aansannay inaanu halkan dhowr cisho ku negaanno.” Dhammaad

Shalay (15/07/2022) oo aan tegay tuuladaas, ujeedkayga ugu weyni waxa uu ahaa bal inaan soo ogaado waxa iska dooriyay muuqaalkaas hore iyo sida ay goobtu maanta tahay.

Horta biyihi sidii ayay u socdaan – in kasta oo aan filayo in ay ka yar yihiin intii hore, sababtuna waa dhulka yar ee cidhiidhiga ah ee dooxa dhinacyadiisa oo isu beddelay beero ay ka baxaan muuska, timirta, saytuunka, cambaha, khudaar iyo geedgaab kale.

Cawsbiyoodki laftarkiisu weli waa ku yaal – siiba Alaalaha jaadkiisu yahay Qawl-billaawe oo sida magaciisu muujinayo caleemihiisu sida billaawaha ay sari karaan gacmahaaga, hase yeeshee waxa uu ku soo ururay qarka dooxa. Dhulkii uu ku fidsanaa ee qoraagaas sare sheegay in Libaaxu geli jiray waxa loo dooriyay beerahaas aan kor ku soo sheegay. Libaaxana warkiisa dhaaf.

Waxa aanan meesha ku arag diin-ceelaadkii, waa se laga yaabaa in uu weli sii joogo. Gallaalka oo caruuri ku dabbaalanaysay waxa ka dhex muuqday noolaha yar ee loo yaqaan midho-xareedaad.

Geedkii darayga ahaa waxa weheliyay tiro ilaa tobaneeyo ah oo la mid ah, se labada dhinac ee dooxa ku filiqsan, markaas si hubanti ah umaan garan kii uu ninkaas socotada ahi sheegay.

Dhirta timirta ah oo aad uga mudh baxay dhiroonka kale waxa markii ugu horraysay lagu beeray 1950eeyadii, si la mid ah tuulada ‘Minja-caseeye’ ee u dhow Bixin duule, waxana uu barnaamajkaasi qayb ka ahaa meelo xeebaha ah oo timirta lagu tijaabinayay oo ay ku jirtay Bulloxaar.
Waraabinta beeraha badi waxa la adeegsadaa qab sundululux ah oo saaqiyado ku kala duwaan beeraha iyada oo aan mishiin la adeegsan. Hase yeeshee, waxa aan xasuusnahay siddeetanaadkii qarnigii hore in beerleyda qaarkood adeegsan jiriin “Shaaduuf” (Shadoof) si ay biyaha kor ugu qaadaan iyaga oo aan adeegsan mishiin. Adeegsiga Shaaduufku waa uu caan ka ahaan jiray dalka Masar iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ah.

Tuulada Bixin duule waxa ay ka mid ahayd goobihii Dawladda Soomaaliya dejisay qaxooti kasoo jeeday bariga Itoobiya hase yeeshee xilli dambe qaar badan oo ka mid ah la ciidameeyay – kuwaas oo qaarkood hagardaamayn, dhac iyo dilba kula kaceen bulshadii meesha degganayd intii dagaalkii 1988-1991. Geedka ‘Garanwaaga’ oo meesha aad uga baxa waxa lala xidhiidhiyaa dejintii qaxootiga – si la mid ah goobo kale oo dalka ah, iyada oo hay’ado samafal oo ajnebi ahi qaybiyeen midhihiisa isla markaana ay dhiirri gelin jireen beeristiisa. (Daraasad gaar ah oo aan ka qoray geedka Garanwaaga ayaa jirta oo muujinaysa sida uu geedku ku yimid iyo faafitaankiisa).

Goobtan ‘Bixin duule” la baxday waxa labada dhinac ka xiga laba gumburood oo badi qaawan, haddii laga tegi waayona ay ugu badan yihiin dhiroonka ka baxa Dacar-maroodi iyo Geed-cambaar. Waxa se aad u xiise badan dhagaxooda oo aad mooddo dhadhaabo isku sar jaran oo si fiican la isugu raseeyay.

Tuuladii hore oo burbur kasoo gaadhay dagaalkii 1988-1991, waxa ay noqotay ka-guuraa. Waxana meesha qariyay geedka Garanwaaga.

Ahmed Ibrahim Awaale