Baarlamaanka Somaliland, waxaa maanta xaadirtay Aamina Cilmi Fariid oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee sannadkan soo gasha golahaas, kaddib doorashadii ay dhammaan xildhibaannada soo baxay ragga ahaayeen. Farxad iyo sacab ayaa ay ku qaabbileen maalinteedii koowaad raggii golaha uga soo horreeyeay.
Aamina waxa ay buuxinaysaa booskii xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo bil ka hor geeriyooday, taas oo ka dhigan in ay ahayd qofkii ku soo xigay xisbi ahaan booskaas. Waxa ay ka sharraxnayd gobolka Awdal, si gaar ah xisbiga UCID.
Ku soo biiritaanka Golaha Wakiillada ee Aamina ayaa ka dhigan dhacdo muhiim ah, maaddaama sida ay dad badan oo ay iyadu ka mid tahay qabaan, inay golaha ku soo kordhin doonto aragti cusub, metelaad iyo cod ka maqnaa.
Waraysi gaar ah oo ay BBC-da siisay waxa ay ku sheegtay ‘in qorshaheedu ugu weyni yahay metelaadda haween weynaha Somaliland iyo keenidda codkii haweenka golaha’.
Waa tuma Xildhibaanad Aamina?
Waxa ay ku dhalatay magaalada Burco, halkaas oo ay sida oo kalena ku soo qaadatay waxbarashadeedii hoose, kaddib intii aanay ka shaqo gelin magaalada Berbera, si gaar ah diyaaraddii Somali Airlines.
Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, Aamina waxa ay ka mid ahayd Soomaalidii tirada ahayd ee nolosha u raadsaday qurbaha iyada oo kolkaas tagtay dalka New Zealand.
Waxaana halkaas ay ka sii bilawday waxbarashadeedii sare iyada oo baratay maamulka iyo maaraynta. Waxaana ay xilligaas ku shaqaysay xirfadda macallinnimada iyo sida oo kale heerar kale oo shaqo oo gaadhsiisan maamul. Ingiirksa iyo Imaaradka ayaa sida oo kale ka mid ah dalalka ay ka soo shaqaysay.
Intaas kaddib, waxa ay ku soo noqotay Somaliland iyada oo markan ku biirtay ururrada bulshada iyo dhanka samafalka. Doorashadii dhacday sannadkii 2021 bishii May ayay ka mid noqotay musharrixiintii isusoo taagay golahaas. Nasiib darro kuma ay guulaysan, waxaana ay ka mid ahayd xubnihii ku sii xigay tiradii koobnayd ee ka soo baxday xisbigii ay ka sharraxnayd.
Doorashadaas ka bacdi, Aamina Cilmi Fariid, waxaa madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha, iyada oo xilkaas haysay bilihii u danbeeyey ka hor inta aanu bannaanaan boos ka mid ah golihii ay isusoo taagtay. Waxaana ay iska casishay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay xukuumadda, xilli ay u istaagtay ka dhabaynta himiladeedii ahayd in ay noqoto xubin ka tirsan xubnaha Golaha Sharci Dejinta.
Maxay tahay filshadeeda ku aaddan xilkan?
Aamina, waxa ay BBC-da u sheegtay in sababta ay xilkii hore ugu timi una dooratay in ay ku biirto golaha sharci dejinta ay u aragto in halkani tahay halkii ay ku gaadhi lahayd hadafyada nolaleed ee ay qabto.
‘Wasiirku waa xil siyaasiya, laakiin halkani waa gole sharci oo u baahan in laga dhiso dawladnimada. Waana halka aan rabo waxyaalihii igu hor istaagay in aan golahan ku soo biiro in aan kaga hor tago si aanay u helin da’yarta iyo haweenka iga danbeeya’ ayay u sheegtay BBC-da Xildhibaan Aamina.
Waxaa kale oo ay sheegtay in ay awoodda saari doonto arrinta kootada oo ay u aragto in ay tahay wixii ka hor istaagay golahan in haween tiro ahi ay ku soo biiraan.
Tan iyo maalinkii ay soo baxday natiijada kama danbaysta ah ee Golaha Wakiilladu, waxa ay dad badan walaac ka qabeen in dhammaan xildhibaannada 82 ah ee soo baxay ay rag wada yihiin. Maanta se, waxa ay xaalad sacab iyo farxad ah ku soo dhaweeyeen xildhibaan Aamina, taas oo ka dhigan in laga bilaabo maanta tiradu haba yaraatee in Golaha wakiillada Somaliland haween ay ka mid yihiin.
‘Waxaan rejaynayaa in aad noo noqon doonto suldaamad, golahayagan waad ogtahoo wax badan baa iska dhaca waxaan rejaynayaa in dad badan ay kuu habran doonaan oo aad nakala dhex geli doonto’ ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Khaliif oo ka mid xildibaannada golahaas.
Baar Siciid, ayaa hore u ahayd golihii kan ka horreeyey oo shaqaynayey muddo 15 sano ah haweeynayda keliya ee ku jirta, mar kale ayay doorkaas iyo booskaas buuxinaysaa Xildhibaan Cilmi Fariid.
Safka dhexda, kuraasta taalla, kan koonaha u xiga ayaa noqon doona booska ay golaha ka fadhiisan doonto xildhibaan Aamina Cilmi, waa se gole ay 81-ka kursi ee kale ay ku fadhiyaan rag.