Waxa soo badanaaya xubnaha ka tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye amba xilal ka soo qabtay xukumadda Muuse Biixi iyo tii ka horaysayba.

Waxa shalay si buuxda xisbiga Waddani ugu biiray wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo xubno badan oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiilay

Waxana jiray xubno badan oo dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay si xawli leh ugu biiraaya xisbiga Waddani iyaga oo raadinaaya isbedel.

Hadaba wasiirka arimaha gudaha isla markaasina ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa arintaasi la hadlay sida loogu ssii qul qulaayo xisbiga Waddani waxan uu yidhi dadkii anaga naga yaacay isbedel keenimaayaan ee taas ku darsada.

Isga oo aad uga murugaysan xubnaha mihiimka ah ee ku biiraaya xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajadda Somaliland.