Kaahin Waa Nin La Hafraayo!
Amuurta Bushaaro waxa ay la mid tahay kuwii badnaa ee la midka ahaa, ee dadka loo xidhan jiray keliya waxa aad ku hadashay raali ka ma nihin. Intaas ayay u xidhantahay, keligeed na ma aha. Dawlad baa haysata oo hadii wax la gu waayo waa la sii deyn ee maxaa lala qaylqalinayaa… kuwa ku doodaa waa kuwa xumaha taageersan oo qaab ay taageeradooda bilaa caqliga ah u dhigaan garan l’a. Yaanay kuu dhuuman. Khamiistii mar maxkamad-ku-sheeg la geeyay, waxa bilayska la siiyay shan maalmood oo kale, oo kibir ah in ay sii haystaan. Wax baanu baadhaynaa bay yidhaahdeen, wax ay baadhayaan baan se jirin. Waxa loo haystaa waa warka facebook page geeda ka buuxa oo intaasi baadhid iyo maalmo toona ma u baahna, laakiin intaas baan u haysanaa in ay yidhaahdaan ma ku dhacaan, wax kale na ma hayaan. Afar maalmood ka hor, waxa ay suuqa soo geliyeen eed ah in ay ciidamada Laascaanood ka dagaalamaaya taageerto, waa wax ay u gu yeedheen ciidamada huwanta, hadana tii na waa is ka tureen oo in aanay soconayn ayay u la muuqatay.
Imika wax ay soo malmaluuqaan ayay ku hawlanyihiin, laakiin geerna waa u geli la’yahay. Ilaa shalay waxa ay suuqa soo geliyeen sheeko ah inantu adeerkeed ayay u xidhantahay oo Muuse shaqo ma ku laha, laakiin waa huf iyo hal aan waxba ka jirin. Maxamed Kaahin ma u xidhna, ma na sii deyn karo. Muuse iyo Kaahin dadku faham qaldan ayay inta badan ka haystaan, in yar oo xog ogaal ahi na waa jirtaa. Kaahin Muuse agtiisa halna ka ma aha. Runtii wuu ba ku jeesjeesaa oo dhabarkiisa wax kasta ka yidhaahdaa. Ninkii weynaa ee aynu Wasiir Daakhiliga ka dhignay maalin kasta wuxu la soo taaganyahay gabadh Reer-Daahir dhalay amma bah-ayay u yahay baan madaarka ka soo qaadayaa, amaba la qadaynayaa ee shirkiina is ka wata. Bal ninka aynu wax u diranay eega! Xanta amma dacaayadda u gu badan ee Muuse uu Kaahin dhabarkiisa ka sheegaa waa intaas, sida ay marar badan ii sheegeen dadka Muuse ka agg dhowi.
Kaahin amuuro badan oo H/jeclo khuseeya ayuu is ku deyay in uu Muuse ka la hadlo, laakiin marnaba ma yeelin. H/jeclo oo dhan oo isu timid, oo Dahabshiil iyo Saleebaan-gaal ba ku jiraan, oo Kaahin na hor socdo, ayuu ka diiday in uu Fly Dubai fasaxo, oo ka diiday kiiskii Suldaan Siciid ee gurigii Hargeysa Club, oo ka diiday wareejintii xisbiga oo mararka qaar uu Kaahin yar dhaqdhaqaajiyay. Markaa, Kaahin waa la is ka ga raad gadanayaa ee amuurta Bushaaro waxba ka ma galo. Aniga iyo Kaahin is ku meel baan ka joognaa xaajada inantaas. Muuse iyo ciyaalkiisu hadii ay waxoogay pressure ah dareemaan dhakhso ayay isaga sii deyn, hadii Kaahin la gu haleeyo oo loo aamuso na, muddo dheer ayay godka ku jiri ilayn Madaxweynuhu wax aanu jeclayn bay ku hadashee. Waaba intaas uun qofkii si kale moodaayoow.