Maxay ka Wada Hadleen Putin iyo Hoggaamiyihii Calooshood u Shaqeysteyaasha Ruushku
Russia(Qaran)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan kula qaatay Aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo dalkaasi Madaxa Kooxda Calooshooda u shaqaystayaasha ah Yevgeny Prigozhin, maalmo kadib markii ay kooxdaasi isku dayday inay afganbiso hoggaanka militari ee Ruushka.
Sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka aqalka Kremlin-ka intii kulankaasi socday wuxuu madaxweyne Putin uu bixiyey qiimeyn ku aadan dhacdooyinkii ay Kooxdaasi ku talaabsadeen 24-kii June, Isagoo intaas ku daray inuu geesta kale Putin warbixin ka dhagaystay Madaxa kooxda Wagner iyo taliyeyaashiisa kale oo tilmaan ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.
Sida qorshuhu ahaa, madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Dalka Belarus.
Ciidamada Wanger ayaa qorshaynaya inay u sii dagaalamaan dalka Ruushka, iyadoo aan weli la saxeexan wax heshiis ah Taliska Ciidanka Milateriga ee Ruushka.
Khubarada aqoonta u leh Siyaasada gobolkaasi ayaa u arka gadoodkii ay sameeyeen Wagnerku inay tahay caqabadii ugu weynayd ee soo wajahda Madaxweyne Vladimir Putin mudadii uu xukunka dalkaasi hayay.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa, hoggaamiyaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko waxa uu dhex-dhexaadiyey heshiiska lala galay Kooxdaasi Calooshooda u shaqaystayaasha ah.
Madaxweynaha Nigeria oò loo doortay Madaxtinimada ECOWAS
Nigeria(Qaran)- Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Tinubu ayaa loo doortay guddoomiyaha ururka ECOWAS.
Waxaa loo doortay xilkan Kalfadhiga 63-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladaha ECOWAS ee ka dhacay magaalada Bissau ee caasimada dalka Guinea-Bissau.
War saxaafadeed ka soo baxay Dele Alake, oo ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha ee arrimaha shaqada, isgaadhsiinta iyo istaraatiijiyadda oo loo gudbiyay wakaalada Anadolu ayaa lagu sheegay in Tinubu uu ka digay in khatarta nabada ee gobolka ay gaadhay heer argagax leh.
Tinubu ayaa ku baaqay in tallaabo wadajir ah laga qaado dalalka xubnaha ka ah ururka, isagoo ballan qaaday in marka uu hoggaanka hayo, la waafajin doono qaab-dhismeedka si loo xaqiijiyo riyada ECOWAS.
Madaxweynaha ayaa xusay in ECOWAS ay diyaarisay qaab-dhismeedka amniga kaasoo daboolaya dhinacyo badan. Waxa kale oo jira Qorshe-Goboleedka Hawlgalka La-dagaalanka Argagaxisada 2020-2024 iyo sidoo kale hawlgelinta Ciidanka heeganka ah ee ECOWAS ee La-dagaalanka Argagaxisada.
Xayiraado Laga Qaadayo Dalka Maali
Maali(Qaran)-Ururka dhaqaalaha iyo lacagta ee galbeedka Afrika (UEMOA) ayaa go’aansaday in uu qaado xayiraadii uu saaray dalka Mali.
Dalka Mali hadda waxay dib ugu biiri doontaa hay’adaha dunida iyo hay’ada UEMOA, ururka lacagta ayaa ku sheegay dhamaadka shir madaxeedka caadiga ah ee lagu qabtay Guinea-Bissau.
Militariga Mali ee hadda talada haya ayaa afgambi ku qabsaday bishii Sideedaad, 18, 2020 iyo kii labaad ee May 2021, taasoo kicisay cunaqabatayn ka dhan ah dalka oo ay ku soo rogeen hay’ado goboleedyo kala duwan.Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika wax tafaasiil dheeri ah kama bixin ka qaadista xayiraadda Mali ee war-murtiyeedka.
Shir madaxeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay doorashada madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu oo loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS.Wuxuu bedelayaa dhigiisa Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo.