Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Musharxnimada Madaxwyne Ee Ciro & Biixi

Taariikhda dib u milicso oo ku laabo shirwaynihii u dambeeyay ee xisbiga Wadani, waqtigaas oo xisbiga oo wali ku guda jira 10-kiisii sano ee xisbi-nimo waxa uu doortay Musharaxa Madaxwayne & Madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Wadani & Godoomiyaha Xisbiga iyo ku xigeenadiisa.

Talaabadaas sharciga waafaqsan ee lagu doortay Musharax Ciro, waxa ay waran ku noqtay Madaxwayne Biixi waxana uu geed dheer u fuulay in uu dimuquraadiyadaas uu ku talaabsaday Xisbiga Wadani uu mijo xaabiyo, sharcigana qiil aan jirin uga baadho, waxana uu ku soo afmeeray Madaxwaynuhu dadaalkiisii xisbiyada sharciyadoodii way dhamaatay, xaqna uma laha in Musharixiin la sii doorto.

Taas waxa daliishii u dambaysay u ah hadalkii shalay ee Madaxwayne Biixi ee uu yidhi dalku wuxuu galayaa doorashadii ururda siyaasada, xisbiyaduna ay aqbalaan xaqiiqda ah in sharciyadoodu dhacday oo ay ururo yihiin.

Intaas kadib maanta, shirkii ururka Kulmiye ee Burco ka dhacay isla Madaxwayne Biixi ayaa loo doortay musharax ururkiisa Kulmiye iyo ku xigeenkiisa, waxana aad moodaa in uu dib u qaaday jidkii uu qaska iyo qiyaanada ku tilmaamayay shalay ee uu ku dhaliilayay Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

Midase mudan in iftiimiyo ee ay ku kala duwan yihiin Musharax Ciro & Musharax Biixi ayaa ah in Ciro musharax loo doortay isaga oo xisbi matala, halka Biixi la doortay isaga oo urur siyaasadeed matalaya, talaabada uu qaadayna ay tahay aan loo haynin daliil sharci oo ogolaanaysa in urur siyaasadeedyadu ay doortaan musharixiin madaxwayne & kuxigeen.

Shacabka Somaliland ayaa hadaba is waydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin, yaa urursiyaasadeedka kulmiye ee musharixiinta doortay u damaanad qaaday in ay ka soo gudbayaan tartanka si ay u noqdaan xisbi?. Maxaa loo xajiimeeyay dimuquraadiyadii uu Wadani sameeyay ee uu hogaanka xisbiga & Musharxiinta Xisbiga ku doortay?. Maxaase maanta keenay in Kulmiye dib u qaado jidkii uu ku dhaliilayay Wadani.

Xaalka sidaas ah Shacabka reer Somaliland way dareensan yihiin in Kulmiye gaf & meelkadhac u gaysanayo caqliyada shacabka, balse aan laga qaadanayn taas loogana baahan yahay in ay is waafajiyaan is diidooyinkan ay is barbar wadaan ee kala ah:

• “Xisbiyadii way dhaceen” IYO MAYEE “Kulmiye waxa uu wareejiyay hogaankii xisbiga”
• “Dalka ururo-siyaasadeed ayaa ku tartamaya” IYO MAYEE “Kulmiye wuxuu isaga oo urur ah doortay musharixiin aanay xaq u lahayn inay doortaan urur-siyaasadeedyada kale” .
• “Musharxnimadii Cabdiraxmaan Ciro ee xisbiga waa lagu dagdagay” IYO MAYEE Musharxnimada Muuse ee isaga oo urur ah waa mid sax ah”

Gudnaanadkuna waxa uu yahay shaqriga dalka ee aan samaysanay qofna kama wayna, dadka reer Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin in doorasho la galo, doorashadaasna ay noqoto mida go’aaminaysa mustaqbalkooda, sidaas hadii ay tahayna Madaxwayne Biixi iyo Hogaanka Kulmiye iyo cid kale toona laga yeeli maayo in ay dalka ka dhigaan tukaan ay leeyihiin oo ay sidii ay doonaan u dhigtaan.

Dulucduna waxa ay tahay “dadka reer Somalilandse waa ka daaleen harardaamooyinka Kulmiye, maantana waxay diyaar u yihiin Isbedel”

W/Q: Wasiir hore Axmed Muumin Seed

Aragtidaada ?