Dowladda Iran ayaa sheegtay in fariin ka socota Israa’iil loo soo mariyay dalka Ruushka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka helay fariin ka timid Ruushka oo ku wargelinaysa in Israa’iil aysan raadinayn dagaal cusub oo ay la gasho Tehran.

“Waxay ila tahay in saddex ama afar maalmood ka hor, uu talefoon dhex maray ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,” ayuu intaa ku daray Araqchi.

“Netanyahu waxa uu sheegay in aanu wax niyad ah u hayn in uu dib u bilaabo dagaalka uu la galoi Iran”ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo xusay in fariintan lagu soo gudbiyay warbixin kooban oo uu siiyay safiirka Iran u fadhiya Ruushka.

Iran ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in aysan “ku kalsoonayn” cadawgeeda soo jireenka ah ee Israa’iil inay ixtiraamto xabbad joojinta Gaza, maalintii labaad ee xabbad joojinta ka dhaqangashay halkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa u sheegay telefishinka qaranka “Ma jirto wax kalsooni ah oo lagu qabo nidaamka Sahyuuniyadda”, isagoo xusay in dhowr xabad joojin oo hore ay ka dhacday meelo kala duwan, gaar ahaan dalka Lubnaan, balse Israa’iil ay ku xad gudubtay.

Source bbcsomali