Mid ka mid ah Xildhibaanadii waaweynaa ee Guurtida oo ku Geeriyooday
Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku Geeriyooday magaalada Boorama.
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka tacsi u diray ehelkii, Qarabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, Alle haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, oo maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.
ALLE haw naxariiste xildhibaan Xuseen Madar Xoosh, ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda JSL, waxaanu door muhiima kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii qaranka Jamhuriyadda Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu marxuumka ILLAAHEY uga baryay in uu janooyinkiisa geeyo, ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo .