Milateriga Shiinaha oo doonaya inuu hareereeyo Taiwan

Markab dagaal oo uu leeyahay Shiinaha

Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood.

Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilmaantay dhoolatuska mid “digniin adag” u ah maamulka jasiiraddaas.

Dhoolatuska ayaa bilowday saacado kadib markii Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ka soo noqotay booqasho ay ku tagtay Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 42 diyaaradaha dagaalka iyo 8 markab oo uu Shiinaha leeyahay ay ka gudbeen soohdinta jasiiraddaas.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhoolatuska milateri ay “qeyb ka yihiin roondo ay ciidamada ku sameyn doonaan guud ahaan biyaha ku xeeran Taiwan, si loo qaabeeyo go’doomin buuxda”.

Waxa ay sheegtay in dhoolatuska ay qeyb ka yihiin madaafiicda goobta ee ridada dheer, maraakiibta wax burburisa, doomaha xambaara gantaalada, diyaaradaha dagaalka, kuwa jara isgaarsiinta iyo kuwa shidaalka siiya diyaaradaha kale.

Taiwan ayaa isu aragta dal maxad bannaan o oleh dastuur iyo hoggaan u gaar ah.

Hase yeeshee xukuumadda Beijing ayaa u aragta gobol gooni-u-goosad ah oo maalin uun lagu soo celin doono Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo isticmaalo awood milateri.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in “dib u soo celinta” Taiwan ay tahay arrin muhiim ah oo ay “qasab tahay in laga dhabeeyo”.

Dhoolatuskan ayaa kuwii hore uga duwan in milateriga Shiinaha uu isu diyaarinayo “hareereyn” Tawian, taasoo jawaab u ah kulan Arbacadii Maraykanka ku dhexmaray Madaxweyne Tsai iyo afhayeenka Golaha Wakiillada, Kevin McCarthy.

Tsai iyo McCarthy

Tsai ayaa maanta sheegtay in dowladeeda ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhexaysa Maraykanka iyo waddamada kale ee Dimuqraadiga ah, xilli Taiwan ay wajahayso “is ballaarin joogta ah oo uu wado Shiina”.

Waxa ay hadalkan sheegtay kadib markii ay caasimadda Taipei kulan kula yeelatay wefdi ka socda Congress-ka Maraykanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalkaas u qaabilsan arrimaha dibedda, Michael McCaul.

McCaul ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay ka shaqeynayso sidii ay hub u siin lahayd Taiwan “si loo xoojiyo nabadda”.

Dhoolatuska milateri ee Shiinaha uu ka billaabay hareeraha Taiwan oo loogu magacdaray “seefta afka badan” ayaa socon doonaa ilaa Isniinta, sida uu sheegay taliska qeybta bari ee ciidamada dalkaas.

Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatuska Shiinaha ay uga falcelin doonta “qaab degan, oo caqliyeysan” si waafaqsan mabda’eeda ah “in aan la hurin colaad ama khilaaf ku aaddan difaaceeda qaran iyo amni”.

Bishii August ee sanadkii tegay, Beijing ayaa samaysay dhoolatus milateri oo ay todobaad ka waday soohdinta Taiwan, kadib markii ay caasimadda Taipei booqatay Nancy Pelosi oo markaa ahayd afhayeenka Golaha Wakiillada ee Maraykanka.

Dhoolatuskaas oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Shiinaha sameeyo muddo sanado ah, ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta noocyadooda kala duwan, waxaana ay ciidamadu rideen gantaallada ballistic-ga.

Xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa hooseeyay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ay siyaasiyiinta Washington ee labada xisbi ay u baratamayaan taagerida Taiwan, arrintaas oo ka caraysiisay xukuumadda Beijing.