“Milicsi Taariikheed oo ku saabsan Hoggaanka Dhaqanka ee Tafiirti Sheekh Isxaaq”

“Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa, ee Naxariis-guud iyo Naxariis-gaaraba Naxariista.”

Xog la helyaaba talo la hel !

Soyaal kooban aan ku iftiiminayo taarikhda ku Saabsan Odaytinimada Reer Sh Isxaaq, iyadoo an ka cudur daaranayo hadaan wax khalday ama se ilduufay.
Markii uu Sheekh Isxaaq gaboobay geeridisuna soo dhawaatay dabayaaqadii qarnigii 14-aad (dhammaadka 1300-meeyadii), waxa uu kula dardaarmay ubadkiisi in wiilkiisa curadka ah ee Axmed sh. Isixaaq uu noqdo kan mideeya walaalihiisa kale ee toddobada ahaa, kuwaas oo kala Dhaleen (Xabuusha oo hooyadiis ahyd iyo Magaadle oo aayadiis ahayd , Axmed waxa loo bixiyay naanaysta “Tol-Jecle”, oo macnaheedu ama se laga waday qof jecel ehelkiisa, mideeyayna labada bahood, iyo dadaalkii uu geliyay isu keenidda iyo mideynta reer Sh Isxaaq. Midnimadaasna way sii socotay qarniyo badan oo ay wadeen tafiirtisu ilaa
Laga gaadhay jiilka siddeedaad, oo oday ku abtirsnayay Axmed Sheikh Isxaaq kaas oo la odhanjiray Boqor Haaruun kuna shaac baxay (Boqor Dhuux Baraar)
Hal tabin ayaa sheegaysa inuu dadka ku dulmiyay xukunkiisa, ilaa ugu dambayn la khaarijiyay kadib markii laga tirsday Xadgudub awoodeed. Sababta loogu naanaysay “Dhuuxbaraar”, maadaama la sheegay inuu quraac ahaan u cuni jiray dhuuxa baraarka, isla markaana uu dadka ku amri jiray inay u qalaan neefaf badad oo baraara si uu dhuuxooda u cuno. Sidaasana uu xoolihi ka dhameeyay doodaas oo badana ka timaada Beeshii Dulmiga ka tirsanaysay Ee Sacad Muuse oo Boqorka Fadhiisin u ahaa deeganadooda

Tabinkale oo ka imanaysa Ardaaga Boqorka oo ah Beesha Toljecle ayaa tilmaamaysa in Boqor Haaruun uu ururin jiray xoolo loogu talagalay taageeridda mujaahidiinta dagaalladii uu hogaaminyay Axmed Guray ee Boqortooyadii Adal ee ka dhanka ahayd Xabashida iyo Bortuqiiska is huwanayd, isla markaana eedaha dulmiga ahi ay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Si kasataba oo ay ahaataba Ka dib markii la khaarijiyay, waxay sababtay in qoyskisii ay u kala firxadaan Dhamaan Deegaanada Somaalida, waxaana ku baxday odhaahdii ahayd (Toljecle daruurti da’daba wuu ka caba) sidoo kale reer Sh Isxaaqna way kala baaheen, iyagoo ku kala baahay dhulalka kala duwan ee ay degaan wadaagata ay ahayeen, waxaana meesha gabi ahaanba ka baxay hoggaan guud muddo ku siman ama se ka badan qarni.

Qarnigaas oo ku beegnayd markii ay duntay Boqortyadii Adal oo Reer Sh Isxaaq cudud ciidan iyo maalba Leh ku darsadeen
Xilligaasna waxa barbar socday weerarro iyo soo siqitaan isdaba joog ah oo ay sameeyeen qoomiyadda Oromada, dhibatadaas oo ay kala sinayd Somaalidi kale ee ku jabtay Dagaaladii Jihaadka ee Boqortoyadii Adal, iyagoo waday duulaan dhuleed, waxa se gaar usii ahaa Beesha reer Sh Isxaaq weerarro kaga imanayay qabiillo kale oo Soomaaliyeed.
Mudadaas, Reer Sh Isxaaq waxay ku tiirsanaayeen kaliyaata hoggaamiyeyaal beeleed(cuqaal) iyo culimo diineed, kuwaas oo maamuli jiray inta ku siman xuduudaha, khayraadka, iyo difaaca beelahooda.

Ugu dambayn waxa dhacay dagaalkii weynaa, ee dhexmaray Beelaha Absame gaar ahaan Ogaadeen iyo Reer Sh Isxaaq dagaalkaas oo loo yaqaanay (Lafaruug) ama se (Colka Wadhaf Malagu Dayay) dagaalkaas oo aad u adkaaa ayaa wuxu sababay inay reer Sh Isxaaq ku midoobeen hal hogaamiye oo ahaa Abaanduulihii Ciidanka Beesha Reer Sh Isxaaq Abaanduule Cabdi Ciise Dhamal oo ka soo jeeday beesha Ciidagale.
Dagaalkaas oo kasoo bilaabmay koonfurta dhulkooda una jiheystay waqooyi, iyadoo laysku mariwaayay deegaanka hada lo yaqaan Lafaruug ee Gobolka Saaxil magacuna uu markhaati u yahay sidu dagaalkaas u qadhaadha, weerar iyo weerar celin kadib waxay guushu usoo hooyatay Beesha reer Sh Isxaaq iyagoo (Colka Wadhaf Ku Ereyady) sida ay tabiyaan Soyaalyahanada Sugaaneed qaarkii, taariikh ahaanna dhacdadu waxay ku beeganayd qiyaastii badhtamihii hore ee qarnigii 18-aad (bilowgii 1700-meeyadii).

Guusha ka dib, beelaha Reer Sh Isxaaq waxay sharaf u muujiyeen taliyihii ciidanka, iyagoo soo jeediyay in loo magacaabo Suldaanka guud ee Reer Sh Isxaaq sannadkii 1720 ama 1730kii. Hase yeeshee, Cabdi Ciise wuu ka cudurdaartay xilkaas, wuxuuna ka codsaday beelaha reer sh isixaaq in la magacaabo wiilkiisa ugu yar ee loo yaqaanay Guleed isagoo u arkayay mid fariid ah oo firfricooni ka muuqato kana door biday walaaladiisi ka waynaa. Waana laga aqbalay

Sidaas ayaa Guleed loogu caleemo saaray Suldaanka guud ee Reer Sh Isxaaq, waxaana Saldanada unkatay socotay oo ay iska dhaxalayeen faraciisu ilaa ay ka gaadhay suldaanka hadda talada haya:

1-Suldaan Daauud Suldaan Maxamed
2-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir
3-Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdilaahi
4-Suldaan Rashiid Suldaan Cabdilaahi
5-Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye
6-Suldaan Diirye Suldaan Xasan
7-Suldaan Xasan Suldaan Faarax
8-Suldaan Faarax Suldaan Guleed
9-Suldaan Guleed Abaanduule Cabdi Ciise

Sidoo kale, waxa barbar socday qarnigii 18-aad inay Faracmaan saldanado Beelaha kale ee Reer Sh Isxaaq oo kala duwan, sida:

Saldanadda Habar Yoonis

Saldanadda Subeer Awal

Saldanadda Arab (dhammaadka qarnigii 19-aad)

Bilowgii qarnigii 20-aadna, ilaa xorriyaddii laga qaatay Maxmiyadii Ingiriiska sannadkii 1960-kii ee Somaliland, waxa Samaysamaysaldanado beeleed oo ay ka mid ahaayeen:

Saldanada Habar Jeclo
Saldanada Ayub
Saldanada Ciise Muuse
Saldanada Jibriil Abokor
Saladanada Muuse Ismaaciil

Wixii intaa ka dambeeyey Waxa isa soo taraysay Inay samaysmaan Sandalado gaar oo ka mid ah beelaha Reer sh isixaaq oo beelohoodu samaysteen Ama Ay Dawladihii kala dambeeyey u sameeyeen Arimo siyaasadeed iyo qaar iskood isku caleemo saaray kuwaas u kala baxay Boqor,Ugaas iyo suldaano.

Sidaa darteed anigu waxaan ku talin lahaa si looga fogaado fidno aan istaagin, taarikhada iyo milgahana aan laga guurin iyo soyaal so jireen ah hadii ay ka fursanwaydo Boqorka cusub magaca boqor laga daayo lagana dhigo Nabadoon maadama aan beesha Toljecle aanay turxaan reereered ka dhaxayn walaalahood kale Saldanadana la adkeeyo oo loo sameeyo Gande adag oo ka koooban 8 haamood reer sheekh isxaaq kuna hareersan oo Faafreeba odhaahdiisa Saaftana intaanu Golaha la iman siduu dhaqanku ahaan jiray.

Allow u naxariiso dhamaantood intii dhimaty inta noolna uga daba naxriiso.

Allow Eex Ma Tiraabine, Aqoon Hanagu Cadaabin
Waxa soo diyaariyey.

Cabdiqani Cabdirxamaan X. Maxamuud (Shariif)

enga.qani@gmail.com

22 Dec 2025

Maqaalkani waa mid u gaar ah qoraha kor ku xusan mana aha qoraal ka socda ama matalaaya shabakada qarannews.com