Waxaa mar kale xalay ka dhacay Iiran mudaharaadyo ka dhan ah dowladda, iyada oo dadku isugu soo baxeen waddooyinka Tehran iyo magaalooyin kale, iyaga oo ka hor imaanaya mas’uuliyiinta.
Muuqaallo ay BBC-da heshay, inkasta oo internet-ka la jaray, ayaa muujinaya dadweyne ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ka dhan ah hoggaamiyaha ugu sarreeya, Ayatollah Khamenei.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in cadaadis rabshado wata uu sii socdo: dhakhtar ayaa sheegay inuu daaweeyay dad badan oo mudaharaadayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas ah.
Iiran waxay ku eedeysay Maraykanka inuu hurinayo kacdoonka — arrin ay Washington ku tilmaantay mid aan macquul ahayn.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay u muuqato in Iiran ay ku jirto “dhibaato weyn”, wuxuuna mar kale ka digay in uu amri karo weerarro milatari haddii mudaharaadayaasha la toogto.







