MUJ. MAXAMAD MUXUMAD WARSAME BAALCADDE (SALLAXAN) OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA SHAFIIL IHN.

Ssallaxan wuxuu ugu xidhnaa taliskii macangagga ahaa jeelka burco 1982kii wuxuu lahaa hibo aqooneed oo gaadiidka ah makaanik wuxuu ka shaqeeyay gaadiidkii jeelka burco wuxuu helay inuu baabuurta jeelka kaxeeyo oo markay shaqdu dhammaato uu isasoo xidho fiidka.

Taliyaha jeelku (xafaare) oo ahaa nin aad u qiimo badan ayuu gaadhiga landcruserka ah u kaxayn jiray oo saliidaha uga beddeli jiray, maxamuud wuxuu diyaargaraystay inuu gaadhiga la baxsado bilawgii 1983kii, wuxuu la xidhiidhay nin dalyaqaan ah oo ay ilmaadeer ahaayeen axmad cali xasan tuke isagiyo axmad gaadhigii jeelka way la baxsadeen oo waxay u galeen SNM oo joogta gaashaammo.

Gaadhigii wuxuu ugu shaqeeyay SNM isagoo Mar u raacay c/gaadir koosaar MUSTAXIIL oo u dhaw beledweyne.

Gaadhigii maxamuud wuxuu kaga qaatay halgankii SNM kaalin adag wuu ku faro adaygay wuxuu ku xidhay qori dhashiike ah 12.36/37 kaalin culus ayuu kasoo qaatay waqti dheer halgankii, wuxuu u soo dhoofay carrigan ingiriiska oo ka degay shafiil, maxamuud wuxuu ugu danbbayn noqday taliyihii bilayska ee gobolka togdheer waxa asiibay xanuun uu maanta ugu geeriyooday Magaalada SHAFIIL 29 June 2025 ilaahay qabriga haw nuuro dadkiisii iyo ummadda reer s/Landna Samir iyo iimaan haka siiyo.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.