Murrashax Cirro oo ka Hadlay Kulan ay la Yeesheen Madaxweynaha

Hargeysa(Qaran news)- Murŕashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Facebookgiisa, wuxuuna u qornaa sidan:-

“Kulan aan maanta wada yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aannu iska wareysannay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada nabadgelyada, xasilloonida, midnimada shacabka, taaba-gelinta hannaankii doorashooyinka isku sidkanaa ee lagu heshiiyey iyo dhammaystirka xeerarka Barlamaanku gacanta ku hayo.”