Murrashax Cirro oo Xukuumadda ugu Baaqay in la Baadho Suuqa Gubtay ee Wajaale

Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Cisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay dabka waxyeelada u geystay suuqa Wajaale.

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay facebookgiisa, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi

“Dabka ka kacay Suuq-ganacsiyeedka degmada Tog-Wajaale runtii waa masiibo kale oo soo korodhay, Xisbi ahaan iyo shakhsiyan waxa aan la dareen iyo damqasho nahay ganacsatada hantidoodii ku waayey masiibadaa dabka ah ee suuqoodii weynaa haleelay.

Waa arrin xanuun innagu wada ah in hanti badani dabkaa galaafanayo, Ilaahay baan uga baryeynaa in uu cawil kheyr qaba ugu beddelo, Xukuumadda waxa aan u soo jeedinayaa in baadhis qoto dheer lagu sameeyo soo noqnoqashada gubashada Suuqyada dalkeenna.”