Waxa aan aad u xiisaynaayay xiligan ololaha in madaxweyne Muuse Biixi uu soo bandhigo wax qabadkii xukuumadiisa ee 7 sanadood ee uu xilka hayay si uu dadka wax dooranaaya uu u soo jiito quluubtooda isla markaasina uu ka codsado in mar labaad ay codkooda siiyaan, arinkaasi ma dhicin waxan madaxweyne Muuse Biixi uu dadka la hor yimid cuqdad, gocasho,hanjabaad iyo hadalo naxli ah oo bulshadda kala qaybinaaya si uu mar kale u helo taageero caadifadaysan.
Muuse tiraba dhowr jeer oo uu ka hadlay fagaaryaasha ololaha waxa uu ku cel celiyay in uu maxkamadayn doono dadkii galay buurta Gacanlibaax iyo kuwii ka soo dajiyay kuwii magta ka bixiyay iyo cid kasta oo ku lug lahayd ja hadii Gacanlibaax arinkaasi fajaciso ku noqday umadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan arinkaas uu madaxweynah uu ka dhawaajiyay waa mid maray golayaasha sharciga isla markaasina uu isagu saxeexay oo uu raali ka ahaa qayb weyna ka ahaa soo afjarideeda.
Arinka kale ee Muuse Biixi uu ku ololeeyay waxa ka mid ahaa in uu dhaliilay shir ay beesha Garxajis ay qabstay 7 sano ka hor. Waxa uu shirkaasi ku canaantay hogaanka dhaqanka ee beelah Garxajis oo uu sheegay in ay diideen in beeshiisa iyo beel kale ay diideen in shirkooda ay ku martiqaadaan.
Arinkaasi oo aan gabi ahaanba xiligani laga filayn in uu Muuse Biixi ka dhigto olole dib loogu soo doorto.
Muuse Biixi maanta waxa laga rabay wax qabad ee loogama fadhiyin in uu xoqo caqabado ay bulshadu ka soo gudubtay.
Dalku maanta waxa uu ka laalaadaa gabibdheer waxa ay dadku la daalaa dhacayaan nolol adag oo xukuumadda Muuse galisay dalka.
Waxana la haboon madaxweyne Muuse Biixi in uu dalka bad baadiyo oo uu isi saxo taariikh ayaa qormaysa doorashadana uu ku galo caadifad laan maanta rajo ayaa jirta lagu saxikaro wixii qaldamay dadka iyo dalkaba lagu soo celin karo dhabadii ay ku socdeen ee laga leexiyay.
Waxana dalka badbaadadiisa ka qayb qaadan kara dadka codaynaaya oo u codeeya isbedelka taasi oo ay dani inoogu wada jirto.