Muuse waa hogaamiye fashilmay.

Muuse waa hogaamiye fashilmay. Haddii kalmaddu ay in uuun micno leedahay, Muuse wuu fashilmay. Dhaqan hogaamiye ma laha, oo hadal hogaamiye ma laha, oo daacad ma aha, oo run ma sheego, wax kasta oo san na gurrac buu u yaqaan. Maanta waxa uu yidhi geerida dadka Lascaanood waa ka xumahay, dhibta na waa la wadaagnaa. Kalmad kasta iyo xaraf kasta oo hadalkaas ka mid ahi been cad weeye, isaga laftiisa ayaana taas ogg. Hadii uu dilka ka xunyahay, muxuu maalintii 1aad ee dhibtu bilaabatay sidii hogaamiye u gu istaagi waayay, ee dabka u damin waayay? Muxuu shan maalmood oo dad rayid ah rasaas la la dhacaayay u aamusnaa? Muu ogayn miyaad odhan? Maalintii 1aad hadii uu amri lahaa in aan qof dambe oo shicib ah xabad la la dhicin, wixii dhacay na la baadhaayo, xaalku ba sida uu maanta yahay ma ahaadeen. Carab dalab leh, lug dalab leh la ga garan ogg, ayay Soomaalidu hore u gu maahmaahday. Hadalka dibnaha ka yimaadda, iyo ka wadnaha ka yimaadda waa la ka la yaqaan. Dilka Laascaanood in uu Muuse ka xunyahay hal qof oo ka siistay amma u ga qaatay ma jiro, hadii uu jiro na waa mid isaga la jaad ah. Muuse iyo afarta alwaax ee agg taagnaa midkoodna karaamo ma laha – Siciid Sulub, Saleebaan-geel, Maxamed Kaahin oo Muuse uu ka dhigay maansuukh uu isagu garashada iyo caqliga u hayo, iyo Indho-indho ayaa agtiisa isa soo tubay. Bal maxay ilaa intaas oo dhan sugaayeen, xagee se ku maqnaayeen? Nacdal baa idinku taalla dheh, ciyaala suuq aan masuuliyad aqoonin weeye dhamantood.
Orgomihii Xamaas, iyo raggii Awdal baa yimide,
Ood lagama gooyaan maxaa, ehelu-naar jooga. C. Gahayr.
Waxaa Qoray:-