
Dhammaan dalalka qaaradda Afrika ma aha kuwo hodan ku ah saliidda, waxa ay kasoo dhoofsadaan qaaradaha kale. Qaar ka mid ah dalalka ayaa ku tiirsan inay shidaalka la sifeeyey ka soo dhoofiyaan dalal kale, halka qaar kalena ay haystaan kayd badan oo saliid ceeriin ah, aysan lahayn warshado sifeeya oo ku filan baahida gudaha.
Dalalka ay ka mid yihiin Nigeria, Koonfur Afrika, Liibiya iyo Suudaan ayaa hodan ku ah saliidda, inkastoo qaar ka mid ah ay wajahaan caqabado waaweyn oo dhanka shidaalka ah.
Haysashada khayraadka saliidda macnaheedu ma aha in muwaadiniinta dalkaasi ay heli doonaan shidaal jaban.
Inkasta oo saliidda ceeriin lagu kala iibsado doollarka Maraykanka suuqyada caalamka, haddana qiimaha shidaalka laga iibiyo dadweynaha aad ayuu ugu kala duwan yahay dalalka. Arrintan waxaa la xiriiriyaa dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin kabista dowladda, canshuuraha, awoodda lacagta dalka, kharashka shidaalka la soo dhoofiyo iyo wax-soo-saarka gudaha.
Hadda, qiimaha saliidda ceeriin ee suuqyada caalamka ayaa ka sarreeya 100 doollar foostadii, taas oo ay sabab u tahay colaadda Bariga Dhexe iyo caqabadaha ku yimid marinnada badda ee fududeyn jiray dhoofinta shidaalka, waana sababta ugu weyn ee keenta kala duwanaanta qiimaha shidaalka waddamada Afrika.





