SAGOOTINTA IYO DHAMBAALKA ODAYAASHA DHAQANKA DDS.
Bismillaah
Waxa toddobaadkii hore deegaannada SSC-Khaatumo soo gaadhay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Wiil-Waal, kana kooban odayaal dhaqan, Culimo iyo waxgarad. Weftida ayaa kulamo la qaadatay Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo, Madaxda Maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kale ee bulshada, haddaba
1. Ugu horrayn, waxaan uga mahadnaqaynaa Odayaasha dhaqanka DDS safarkooda ay ku yimaadeen deegaanka kaa oo aan ahayn kii koowaad, balse ay marar hore u yimaadeen arrimo muhiim wax weynna ay ka qabteen, si milgo leh ayaa loo soo dhaweeyey, si meeqaam sare ahna waa u sagootinay.
2. Weftida waxaan ka guddoonay dhambaal salaan iyo duco ah oo ka timi dadka aan walaalaha nahay ee DDS, waxa kale oo ay na soo gaadhsiiyeen dhambaal nabad iyo deris wanaag ah kaa oo ay ka sideen Maamulka Hargeysa iyo dadkiisa.
Nabad waa nolol, waxa aanu nabad iyo wada noolaansho ku baaqnay, diyaarna u ahayn iyada oo la duqaynayo magaalada Laascaanood lana barakiciyey dadkii deegaanka, weli diyaar baanu u nahay inaanu nabad kula noolaanno deriskayaga, anagoo aan marna gorgortan ka gelinay jiritaanka maamulkayaga, siyaasadda deegaankayaga iyo wax ahaanshihiisa.
2. Deegaannada SSC waxa loo sameeyey Maamul la yidhaahdo Maamulka SSC-Khaatumo, waa maamul JFS hoostaga oo ka mid ah, waa maamul ku yimi rabitaan bulsho iyo go’aan dadweyne kaas oo aan cidna jiritaankiisa dood gelin karin, isaga ayaa nagu metela wax kasta oo siyaasad iyo nabad raadin ah.
3. Waxaan caddaynaynaa in Maamullada SSC-Khaatumo iyo Soomaaliland ay u taallo dhiraandhirinta iyo wada hadalka nabadeed, annagoo horena diyaar ugu ahayn nabad iyo deris kuwada noolaansho, haddana diyaar weli u ah.
4. Waxaanu bulshada SSC-Khaatumo ku boorinaynaa midnimada iyo wadajirka ay in badan ku guulaysteen, waxaanuna ku adkaynaynaa in laa ilaashado midnimada iyada ayaa wax lagu yahay, laguna ahaan doonaa.
5. Reer SSC-Khaatumo iyo dadka Soomaaliyeedba waxaan ugu ducaynaynaa nabad iyo nolol waarta,
Allaa mahad leh
Garaad Jaamac Garaad Cali.