NIMCOOYINKA ILAAHAY UU INNA SIIYAY DHIBAATADA AY INAGU QABAAN.

Nimcooyinka uu ilaahay inna siiyay waxaan ka soo qaadanayaa xoolaha aynu ku noolay ee loola dhaqmo sida arxandarrada ah, xooluhu sidaynu u damqanno ayay u damqadaan, waxa ku dhaca dayac iyo dulmi ay ku hoos joogaan dadka munaafacaadsanaya qabow ayay u dhintaan roob ayaa xero ku laaaya gaajay u dhintaan IWM Maxaa yeelay waa xoolo.

Kelmadda xoolo dadku wuu isku caayaa hebel waa xoolo, taasi waxay markhaati ka tahay agteenna inay ku hooseeyaan, xaq waxay innoogu leeyihiin in la xafido oo la daryeelo Waayo ilaahay wuu innagu eegayaa.

Ma laga yaabaa abaaraha culusi inay yihiin ciqaab uu ilaahay innagu xusuusinayo dayacay qabaan waar miyaanaydaan arag dameeruha gaadhaa laga dhigtay iyadoo garbaha uu dhiig ka da”yo ayaa la rartay kir kir kir weeye dameeryow waa laysku caayaa magaca dameerka. roob yaraantu waa imtixaan dulmiga xoolaha aynu ka galay ah ee halla daryeelo oo garaacista iyo dayaca hallaga ilaaliyo xooluhu waa raxmad ilaahay ee cay maaha XOOLOOW oo kale.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.