Ninka aaminsan Xisbigga Kulmiye ayaa Habar Awal iyo Habar Jecelo dib looggu dooranayaa, wallee waa qof aan dal iyo dad u tudhayn.
Waar Ummadda kale fursad hala siiyo oo weliba Beelaha weelka haysta ee Garxejis iyo Arab aynu bal dooranno.
Raggii Kulmiye asaasay ee hogaankiisa ahaa ayaan ka mid ahay- Kulmiye waan jecelahay, waxaanse ka jecelahay in cadaalad iyo sinnaan aynu hello.
Qaran Xisbi qudha leh noqon mayno marnaba runtii.
In aynu is dillo, oo reero isku dilin, ee fikir siyaasi ah isku dillo iyo in aynu kala gar qaadanno ayey noqon runtii.
Waar Qarankan bila ama burburiya- anigga wey ii muuqataa saxa iyo khaladku.
Kulmiyaa keliddii xaq u leh inuu Xisbi xaakim noqdo, ninkii aaminsan waa nin aan habeen jirin.
Waar in aynu is yeelanno iyo in aynu wax wadda yeelanno ayey inoo joogtaa maanta.
Ninna la yeelan maayo ee ogaaddaa, oo ninkii siddaa u fekerayoow, khayrkaa diidyey.
Waar waxeennii weynu qabnaa ee Ummadda kale aynu fursadda siinno- haddii kale ninka taasi ku fekeraaya ayaa Siyaasadda igga yaqaanna.
Waxa Qoray:

Abdilahi Hassan

Abdilahi Ali Hassan.