Ninkii Jabuutaawi wuu gobanimo hadlay oo weliba ku xaragooday,Ma filaayo inuu jiro Qof,hadd waa hal qof oo Muuse & inta ag-joogta ah oo ninkaas u jawaabi karaa.

Ninkii Jabuutaawi ahaa baan hadda dhegaystay, waanu gobanimo hadlay oo weliba ku xaragooday. Ma filaayo in uu jiro hal qof, hadda waa hal qof oo Muuse iyo inta ag joogta ah oo ninkaas u jawaabi karaa. Ma sheegin haddii uu Buuni amma Shahar soo diri doono. Nin aftahan ah, oo dhaqan yaqaan ah, oo rag iyo rabbi ba yaqaan, oo lafta jebi, xarago na ha ka tegin mabd’a ah ku shaqaynaaya weeye, waa inta uu Muuse yahay caksigeeda. Hadal kiisii nus-sacca socday kalmad la tuuro ma lahayn, oo kalmad gardarro ah ma lahayn, oo kalmad been ah ma lahayn.
Wuxu yidhi, waar dagaal ma na gu muquunin kartid haddii aad toban sanno waddid, dagaalku na dhab kaa ma aha. Hadii uu dhab kaa yahay, maxaad Axmed iyo Maxamed Muuse u soo diri wayday? Soo diri maysid oo midna shirkadaha ayuu kuu maamulaa, midna dadka ayuu kuu soo xidhxidhaa. Runtii weeye Walee.
Hadana waxa uu yidhi – Laascaanood xoog maad ku iman ee aniga ayaa ku keenay, imika na aniga ayaa kaa saaraaya. Meesha farsamo iyo is ogolaansho ayaan ku wadnay, tiina adiga ayaa fashiliyay. Oo ma wax aanu fashilinin baa jira. Nin aan talin jirin hadii uu taliyo, nin aan tegi jirin baa taga. Maahmaah weeye.
Hadana waxa uu yidhi, siyaasiyiintii Dhulbahante, ee Qaybe ka mid ahaa, ee Fagadhe ku jiray, ilaa Khaliif la ga soo gaadho warkoodu wuxu ahaa Somaliland la wada leeyahay, adiga ayaa se diiday, imika na anaka ayaa diidan. Cali Khaliif in uu ku baryaayo ayaad moodi jirtay, oo hotel kii miyaan la gu lahayn, iyo miyaanu tegaynin baad odhan jirtay. Waa runtii! Xaqiiqatan nin baryaaya ayuu moodi jiray, oo afka u taagi jiray.
Is ku soo wada duub, Jabuutaawi Muuse waxba u ma reebin, oo Iidoor wax u ma reebin, oo Somaliland waxba u ma reebin, wax gef ah iyo deelqaaf na ma samaynin. Gobanimo nooceeda u sareeya ayuu gole keenay!
Waxa Qoray:-