Ololaha Xakameynta Tacadiyada Haweenka oo ka Bilaabmay Somaliland


Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL ayaa maanta si rasmiya u furtay ololaha 16 ka cisho ee ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.

Waxaana madasha kaso qayb galay xubno kamida golaha wasiirada dalka, agaasimayaal guud , qaybo kamida hay,adaha madaxa banaan.

Waxaa dhamaanba ma’suuliyiintii madasha kasoo qayb-galay ay dul istaageen dhibaatooyinka tacadi ee la xidhiidha dadka nugul.

Iyada oo guud ahaanba lagu bogaadiyay hogaanka wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda mudane Eng Cali Cumar Maxamed (Eng Cali xoorxoor ) Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaraddu shaqada baaxada leh ee ay qaranka u hayaan.