Pakistaan oo Xidhay muwaadiniin dalkeeda u Dhashay oo u Shaqo Tagay Israa’iil
Hargeysa(Qaran)-Dawladda Pakistan ayaa xabsiga u taxaabtay shanka mid mah muwaadiniinta dalkaasi kuwaasi oo lagu eedeeyay inay shaqo u tageen dalka Israa’il, taasoo ka hor imanaysa shuruucda dalkaasi sida ay sheegtay hayโadda danbi baadhinta ee dalkaasi
Pakistan ayaan iyadu aqoonsanayn jiritaanka dalka Israa’iil waxaanay ku baaqdaa dal ay leeyihiin falastiiniyiintu oo madax bannaan kaasoo ku fadhiya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay iyo waliba xuduudihii ka horreeyay dagaalkii 1967kii kaasoo ay magaalada Qudus u tahay caasimad. Sidaa daraaddeed iyada oo aanu jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal, muwaadiniinta Pakistan uma safri karaan Israil iska daa inay halkaa ka shaqeeyaane.
Af-hayeen u hadlay Waaxda danbi baadhista ee dalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta Arabnews in hawlgalka lagu soo qabtay shannta qof oo la tuhunsan yahay la soo bilaabay bishii hore kadib markii ay masuuliyiintu ay ka qaadeen waraaqaha lacagta laysugu diro kadibna ay heleen caddaymo muujinaya inay Israil ka shaqaynayeen muddo sannad ah.
Af-hayeenkan ayaa intaa ku daray in ay raggani lacagta u soo dirayeen dalka Pakistan iyaga oo adeegsanaya xawaaladda caalamiga ah ee Western Union Money transfer Service.