Prof. Samatar oo Walaac ka Muujiyay Damaca Itoobiya ee Dekedaha Soomaalida

Muqdisho(Qaran)- Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay inay Soomaalidu wada jir u diido inayvItoobiya Deked weydiisato.

Prof. Samatar wuxuu sheegay in Abiy Ahmed sheegay inuu xoog wax ku doonayo, loona baahan yahay in laga taxadaro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aanay Itoobiya hatsan kacag adag oo ay deked ku maalgashato balse ay doonayso inay caalamka ka soo amaahato, iyadoo Soomaaliduba ka amaahan karto dunida dhaqaale ay ku horumariso dekedaheeda.

Prof. Samatar wuxuu intaas ku daray in haddii loo ogolaado dekedda Saylac ee Somaliland uu magaaladaasi ka dhigi doono dhul Itoobiyaan oo aakhirka la wada qabsado, sidaas darteed wuxuu soo jeediyay in shicib iyo xukuumadba laga gaashaanto qorshahaas halista ah.

Prof. Samatar oo ka tursan aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u soo jeediyay dawladda Xasan Sh. Maxamuud inay dad xul ah u dirto Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay sixay ugu wargeliyaan damaca Itoobiya.