Qatar,Maraykanka & UK oo $10.5 milyan oo gargaar ah ku caawinaya Soomaaliya
email sharing button

10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siindoonaa Soomaaliya iyadoo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa la doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay sanadihii 2021 iyo 2022.

Ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis, ergeyga Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

In ka badan saddex milyan oo qof ayaa barakacay Soomaaliya tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore.

In ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan.