Dhawr maalmood baan Itoobiya joogaa hadda, waxaanan la kulmay cilad dhinaca internet ka ah. Qofkii aan haysan geed la dhaho VPN, social media ha iyo meelo kale ma geli karo. Nin baa caawa ciladdii ii fasiray oo xal keenay. Mid kale ayaa i gu yidhi khudbaddii Muuse ma dhegaysatay, anigu na waxa aan ku idhi – cilad internet baa jirtay oo nasiib wanaag ma dhegaysan. Waxa la ii sheegay in aanu ku hadlin wixii lixda sanno la ga maqli jiray wax ka duwan, maxaa yeelay waa isagii uun. Waxa uu ku soo daray baa la yidhi laba qodob – doorashadii aan qabanee mucaaridoow lacagta badhkiina keena! Dad badan baa taas u qaatay in ay ka tahay garasho darro, ma se aha. Waxa ay la tahay sabab kale oo doorasho la’aan keeni karta, sabab kasta oo doorasho la’aan amma doorasho habsan sababi kartaa na waa mid isaga la wacan, xataa hadii ay doqoniimo u muuqato. Geesta kale, waxa aan wado cidda diidani, maxkamadda ha u dacwooto ayuu yidhi. Is ka ma odhan sidaas dabcan ee waxa uu ogyahay Aadan Xaaji-Cali oo maxkamadda u jooga, in uu isagu u yeedhiyo waxa uu samaynaayo amma aanu samaynayn. Taas Muuse dhab buu u ogyahay, dad kale na waa ogyihiin, mana jiro doqon ninkaas ninka jeebkiisa ku jira garsoor u doonanayaa. Markaa maxaa xal ah? Xalku waxa weeye sida uu Muuse rabo, taas oo ah kursigan anigaa fadhiyaaya, amma waan ka la dirayaa. Xaqiiqada uu Muuse ku shaqaynayaa taas weeye, cadaynteedu na waa buuxdaa

Maxamed Haaruun Biixi