Maqaal uu qoray Hadraawi saaxiibkiisii koowaad Rashiid Gadhweyne.
“Bishii Ramadaan wax aan ahayn soon, salaad iyo quraanka, dhinac baan iska dhigay. Waana sida aan waayoba ka caafimaad-dhigtay. Allaa ku mahad leh oo aan khayr ka tuugayaa.
Hadda ayaan u soo jeestay adduun iyo taladii. Wax kale ba ha i sugeen ee maxaa carradii Soomaalida ka socda?!
Maxaa looga socda ee looga jeedaa dagaalka Laascaanood laga bilaabay ee ka sii socda iyo waxa kulumay ee ah dad ku dhintay ku na dhaawacmay , qaxa iyo hantida ku burburtay, dadnimada laga baxay ee dugaagow looga guuray?
Waxa aan maqlaa kuwo ku dooda Soomaaliland xuduuddeedii bay difaacaysaa oo ay rabtaa in ay sugto. Waaryaaya. Soomaaliland dhul iyo “dawlad ba “ waxaa laga dhigay hal la qalay oo hilibkeedii qabaa’il loo qaybsanayo. Dal mid ah oo dad muwaaddiniin ah ka dhexeeyaa mee? Haddii qabaa’il la isu gu dilo, sow qolo waliba rufuceeda la dhaqaaqi mayso? Hadda Soomaaliland ciidda dhulka ma aha, waayo heerka ilaa hadda la la rafanayo, muhiimku ma aha dalka ee waa dadka. Waxa ay Soomaaliland ku sii jiri kartaa waa dadka oo giddigii ba oggol oo ku nool dal ka dhexeeya oo xuquuq iyo waajibaad ba la siman yahay; lagu na wada dhaqmo sharci aan qabaa’il iyo reero lagu kala ahayn; qof waliba na magaciisa oo keli ah ku helayo xuquuqdiisa ee aan loo abtirinaynin.
Sidaas darteed maanta ( maalin kale ha i sugtee) Laascaanood waxa ay Soomaaliland ku noqon kartaa ama xuduudda Soomaaliland ee la sheegay ku xaqiijin kartaa oggolaanshaha dadka dhulkaas deggan. Taasi na waa wax aan dagaal lagu keeni karin. Waa wax aan dhacay in. Dagaalka waa lagu sii kala fogaanayaa waa na la gu sii nacayaa Soomaalilandtan la sheegayo.
Dagaalku ilaa weligii wuu socon; cid la dhammaynayo na ma jirto. Aakhirka hubaal Soomaaliland waa ay ku bururaysaa dagaalka
Badbaadadu waxa ay ku jirtaa in dagaalkan axmaqa ah degdeg loo joojiyo oo dadku isu yimaaddo oo heshiis nabadeed iyo hab hannaan lagu wada noolaan karo, lagu wada raalli yahay la dejisto; loo hawlgalo hirgelintiisa.
Tu kale ku darsada cid waliba(qadiil iyo degaan kii aad doonto dheh), haddii uu isku raaco intiisa wuu u la guuri karaa meel kale.
Ayaandarro! Hoggaan bay u baahantahay aan maanta iyo berri dhow toona aan soo muuqannin. “Cirridka aan arkayo ilko ka ma soo jeedaan”.
Ha i la yaabina. Yididdiilo darrada igu jirta iyo hadalkani isma lahee. Hayeeshee, waa sidii ay odhan jireen ee “ma i tidhi waa kayd rag “ bay iga tahay. Mar kale ayaan, haddii Alle idmo, ka hadli doonaa”.