“Dhacdooyinkan aan hoos ku xusay waxa ay i xasuusiyeen hadal xikmad ah uu shacabka Maraykanka ku yidhi Madaxweynihii lagu dilay shirqoolka John F. Kennedy, November 22, 1963, kaas oo ahaa: “Ha iswaydiinin muxuu dalku kuu qabtay ee iswaydii maxaad dalka u qabatay ama ku soo kordhisay?”
Innagu iskadaa in aynu wax ku soo kordhinee wixii la innoogu deeqay ayaynu dagaal kula jirnaa. Bal u fiirso muuqaaladan, waa isgoysyada jidka 200 ee caasimadda Hargeysa ee dhawaan la dhammaystiray. Waxa la goostay ama la rifay astaamihii waddo-marista (road signs).
Sharciyada caalamiga ah dadka danbiyada noocaas oo kale ku kaca waxa la takhsiira lacag badan, mararka qaarna xabsiyo adag ayay mutaystaan, maadaama ay galeen laba danbe oo kala ah TUUGANIMO iyo DANBI-QARAN.
Maxay kula tahay in ay keentay in dadka qaar sidan u dhaqmaan?
Waxa Qoray Mustafe Aadam