“Rag tabaabulshaystaa, wuxuu tebayo raacdee.” Sidaas waa hore waxa ku gabyey Timacadde.
Mar kale waxa uu yidhi:
Maalintay subuqdee,
Sunta laysku afuufo,
Sarajoogu ma fiicnee,
Sawaarikhda dagaalkiyo,
sancadoo kordhisaan,
Iyo sirtiinoo guntanaatoo,
Safrin waayo basasku,
Sadexdaasba ogaada!
Timacadde warku wuu ka khasaaray. “Dubihii wuxu igaga dhacay, nimaanan doonayn” ayaa la ga sheegay mid gabyay oo H/jeclo ahaa. Imika, waxa aad moodaa tilmaamihii uu bixinaayay Timacadde, in ay Ordogan iyo nimankii ay is ku kooxda ahaayeen dhab u dabaqeen. Yurubiyaanka iyo Galbeedku ninkaas Ordogaan iyo Turkiga cusub waa ka fajacsanyihiin dhinaca uu wax u wado, si aan qarsoodi ahayn baanay u doonayaan in uu meesha ka baxo. Hadiiba uu baxo iyo hadii kale ba, Turkigu maanta wuxu joogaa meel aan dib loo celin karayn, AK Party iyo fikraddii uu ku dhisnaa na waa xoogaysatay oo baahday. Turkigu sida Masaarida oo kale doqomo wixii la doono la ga yeelo ma aha.
Si kastaba, doorashadani ma aha mid shakhsiyaad iyo xisbiyo u dhexaysa, waa mid fikrado iyo mabaadii u dhexaysa. Hogaamiyaha mucaaridku waxa uu ololihiisa ku soo khatimay booqasho uu ku tegay qabriga Atatork, xaaskiisa oo sida dumarka Galbeedka u labisani na waa la ololaynaysay. Ordogan na, waxa uu ku soo xidhay ololihiisa salaad uu ku tukaday Masjidka Ayaasoofiya oo uu isagu hirgeliyay in muddo dheer ka dib masjid la ga dhigo, xaskiisa oo xijaabani na waa la ololaynaysay. Labada fikradood amma mabd’a ee loolamaaya labadaas muuqaal baa astaan u ah.