
Safarkii Gobollada Dhexe ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aad arkayseen, shalay Gaalkacyo ma wada tegin, sidoo kalena xataa Caabudwaaq ma tegin. Arrintaasi waxay noqon kartaa calaamad kale oo muujinaysa in safarkiisu aanu ahayn mid si siman u metelaya dhammaan bulshada deegaannadaas.
Caabudwaaq waxa dega Beesha Mareexaan, waxayna maamul ahaan hoos tagtaa Galmudug oo xarunteedu tahay Dhuusamareeb. Haddaba, in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqdo deegaanno ka tirsan Galmudug balse aanu tegin Caabudwaaq, waxay sii xoojinaysaa aragtida ah inuu u dhaqmaya sidii hoggaamiye ku kooban dhinac qabiil, halkii laga filayay inuu isu muujiyo Madaxweyne Soomaaliya oo bulshada si siman ula macaamila.
Siltan Cabdikarim





