Safiirro ka socda Dalalka Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo la filayo in ay saacadaha soo socda kulamo la yeeshaan dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland.
Weftigan Safiirrada ah, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidha sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland oo isku maandhaafsan Arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Ururrada.