Wararka nagasoo gaadheya magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegeya inay halkaasi kusugan yihiin 9- Xildhibaan oo katirsanaa maamulka magaalada Laascaanood.

Kuwaasi oo shalay iyo xalay kala yimid isla magaaladaasi Laascaanood sida la xaqiijiyay waxay cafis kasoo dalbadeen dawlada Somaliland iyagoo dooneya inay kasoo degaan magaalada Hargeisa

9kani xildhibaan ayaa ka soo kala jeeda ama kala ah 6-xildhibaan oo beesha Dhulbahante ah iyo 3-xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Warsangali.

Waxa sidoo kale jidka ku soo jira oo laga yaabaa in ay u soo kicitimaan Somaliland saraakiil kala gadisan oo ka soo jeeda maamulka bariga Sool waxana dhowr cisho dalka ku soo laabatay xildhibaanad Fahimo Quunje iyo xubno ay hor kacaysay oo hada ku sugan magaalada Hargeisa ee Caasimadda Somaliland halkaasi oo si diiran loogu qaabilay.