Salman Rushdie, oo ah qoraa caan ah, ayaa dhawaan ka hadlay xaaladiisa caafimaad ka dib markii la tooriyeeyay iyo dacwadda weli ku socota ninkii weerarka geystay. Waxa uu sheegay in uu jir ahaan “ fiicanyahay”, inkasta oo uu wali kasoo bogsanayo dhaawicii isha tirtay.
Qoraagan reer Hindiya ee heysta dhalashada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore lagu weeraray bandhig ka dhacayay New York, isaga oo masraxa lagu tooriyeeyay ilaa 10 jeer. Waxaa weeraray qof Muslim ah oo ka carreysan buug uu horey u qoray Salmaan Rushdi oo Qur’aanka ku tilmaamay Aayadaha Sheydaanka. Buugaas ayaa ka xanaajiyay muslimiinta dunida oo dhigay dibadbaxyo waa weyn oo magaalooyin badan gilgilay.
Salmaan Rushdi oo ah Muslim hore oo diinta ka baxay ayaa la dhigay New York ku yaal oo uu maalmo ku jiray, isaga oo ay ku xiran yihiin aalada caawiyaha hawo-mareenka. Weerarka toorey ee lagu qaaday ayaa sababay dhaawac kasoo gaaray beerka, oo hal il oo aragga ahna ka lumay, isaga oo gacan naafo ka noqday kadib markii waxyeelo soo gaareen neerfaha gacanta.
Qoraaga abaalmarinta badan ku guuleystay ayaa yiri “jirka bini’aadamka wuxuu leeyahay awood la yaab leh oo uu ku bogsado. Sidaas darteed waxaan nasiib u yeeshay inaan fiicnaado”.
Qoraaga ayaa hanjabaad dil ah ka helay Iran sannadihii 1980-aadkii ka dib markii la daabacay buuggiisa Aayadaha Shaydaanka. Hogaamiyihii Iran ee wakhtigaas Ayatullah Ruhollah Khomeini ayaa soo saaray fatwo – ama wareegto diini ah – oo ku baaqeysa in la dilo Salmaan wuxuuna madaxiisa dul dhigay lacag dhan $3m (£2.5m). Sidaa darteed, Salmaan ayaa waxaa uu ku qasbanaaday inuu dhuumaaleysto wixii markaas ka dambeeyay, wuxuuna u baahday ilaalo hubeysan sababo la xiriira tirada hanjabaadaha dilka ah ee soo gaarayay.
Rushdie wuxuu faafiyay aragti ku aaddan diinta iyo siyaasadeynteeda, isaga oo buugiisa Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kala saaro caqiidada shakhsi ahaaneed iyo ku takri-falkeeda qorshayaasha siyaasadeed. Buugga aayadaha Shaydaanka ee loogu gefay Nebi Muxamed iyo tixraaceeda diinta sida ay qabaan muslimiintu waxaana laga mamnuucay dalal badan oo Muslimiin ah, oo ay ku jirto Iran.
Ninka loo haysto in uu weerary Rushdie
Ninka lagu eedeeyay in uu tooreeyay Rushdie oo lagu magacaabo Hadi Matar, ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil. Waxuu na uu qirtay in aanu wax danbi ah gelin, hada waxaa lagu hayaa xabsi Mareykanka ku yaal. Salmaan ayaa muujiyay dareeno kala duwan oo ku saabsan hadii uu ka qeybgalaya maxkamadeynta ninkan iyo in kale, taas oo ku xiran haddii eedaysanuhu beddelo qirashadiisa dembiga.
Rushdie ayaa daaha ka qaaday inuu hadda qorayo buug ku saabsan dhacdadii mindida lagu weeraray si ay uga caawiso inuu la qabsado wixii dhacay. Wuxuu qiray inay tahay hawl adag, balse ay muhiim tahay in uu horay sii wato xirfaddiisa qoraalka. Waxa uu BBC-da u sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyo ammaanka waqtiyo gaar ah iyo in UK ay weli sugto amaanka “sida waayihii wanaagsanaa”.
Waa kumaa Salman Rushdie?
Salmaan waxa uu sheegay in dunidu si weyn isu beddeshay tan iyo markii la daabacay buugiisa “Aayadaha Shaydaanka’’ 1988-kii. “Waa inaad kala saartaa caqiidada gaarka ah ee dadka, taas oo aysan wax na galay aysan jirin, runtii, iyo siyaasadaynta diin kasta … Ameerika hadda, waxaa jira nooc diinta masiixiga ah oo xaqjir ah, kaas oo mas’uul ka ah qayb aad u weyn oo ka soo horjeeda Roe iyo Wade, doodda ilmo soo rididda.’’
“Anigu ma ihi qof diin leh, weligay maan ahayn, oo waxaan ka imid qoys aan diinta si gaar ah u adkeyn wax culeys ahna majirin…Ma ahan wax ay naftayda u baahantahay laakiin haddii ay jiraan dad u baahan, taasi waa wax iyaga khuseeya, ilaa ay noqoto mid la siyaasadeeyo,’’ ayuu yiri.
Salman Rushdie waxa uu ku dhashay Bombay oo hadda loo yaqaan Mumbai – laba bilood ka hor xornimada Hindiya ee ay ka qaadatay Ingiriiska. Markii uu jiray 14, waxaa loo diray England halkaas wax barashao u aaday, ka dib wuxuu shahaado sharaf taariikhda ah ku qaatay kulliyadda caanka ah ee Cambridge.
Waxa uu qaatay dhalasho Ingiriis ah, waxa uu na ka baxay Muslimnimada. Waxa uu si kooban u ahaa jilaa ka dibna waxaa uu noqday qoraa buugaagta. Salmaan oo oo 76 jir ah ayaa shan jeer guursaday, wuxuuna ubadkiisa labaad ugu magacdaray qoraaga u dhashay dalka Czech.